Gabadhii ugu yareyd ee kaqeyb galeysa tartanka Quruxda Dumarka Dunida ( Daawo Sawirada(
Daawo Sawirada Gabaryar oo sadax jir ah oo ka qeyb galeeysa Tartanka Quruxda Haweenka Caalamka.
Hooyo lagu magacabo Lorin Jackson oo 26 sano jir ah ayaa bilkasta waxaa ay ku bixisaa 3000 oo uro qurxinta Gabadheeda yar Safaana ee sadax sano jirka ah , si ay ugu diyaar garayso ka qeyb qaadashada tartanka bokhorada quruxda dunida.
Safaana ayaa ayaa ka qeybgashay tartankeedii ugu horeeyay ee loo galayo quruxda xiligii ay jirtay 10 bilood oo kaliya taasina waxaa ay ugu qeyb qadatay quruxda dabiiciga ah ee ay udhalatay.
lorin jackson ayaa go`aansatay in gabadheeda ay ka qeyb galiso taranka quruxda haweenka dunida xiligii ayjirsatay gabadheeda sabasano jirsatay
Hooyada Safaana ayaa difaacday go`aankeeda waxaan ay sheegtay in aysan bilic uraadinta quruxda gabadheeda aysan wax dhib ah ku reebaynin, sidoo kalana gabadheeda yar ay jeceshay bilicda jirka.
” waxaan doonay oo kaliya in gabadheyda ay hesho fursada ay guusha ku qaadi laheyd tartanka quruxda ee haweenka dunida, waxaan kale oon arkayaa in gabadheyda ay aad iskugugu kalsoontahay” ayeey tiri jackson oo sii hadaleysa.
waxaa ay intaasi raacisay waxaa kale oon dareemayaa in aan milkiyay dunida oo idil waana mida aan ku faanayo , safaana ayaa gashay tartankeedii ugu horeeyay gashay iyada oo 10 jirtana , markaa wixii k adanbeeyayna ay hooyadeed go`aansatay in ay ka qeybgalisay tartanda loogu tartamayo cidii ku guuleysan laheyd boqorada quruda dunida.
Waxaa la sheegaa in Safaanaa ay aad u door bido xirashada dharka Dabasha , hooyadana waxa geysaa goobaha jirka lagu qurxiyo iyadoona bishii ugu yaraan sagaal geysa goobahaasi, hooyadan inta badan waxa ay la socotaa gabadheeda yar si ay u barto sidii ay usocon laheyd.



Waxaa soo turjumay
Maxamed Suudi
Muqdisho Soomaaliya
Binusuudi@hotmail.com
|
|


Print
