Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweynaha cusub gudoon-siiyay Saacad Dahab ah
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu maanta hadiyado kala duwan uu ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamed.
Labada Madaxweyne oo maanta in cabaar ah ku dhex wareegaayay gudaha Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa Madaxweynaha cusub la-soo tusiyay qeybaha ay ka kooban tahay Villa Somalia.
Madaxweynaha cusub ayaa wuxuu soo arkay Xafiisyada Shaqaalaha Dowladda, Xabsiyada Villa Somalia, dhufeysyada ay ku lee-yihiin Ciidamadda Dowladda iyo Isbitaalka ku yaalla Villa Somalia.
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu gudoonsiiyay Madaxweynaha cusub Dr. Xasan Sheekh Maxamuud hadiyadihii la gudoonsiiyay mudadii uu Madaxweynaha ahaa Shariif iyo booqashadii uu dalalka caalamka ku bixiyay, waxaana hadiyadahas ka mid ahaa Saacad Dahab ah, Seef Dahab ah iyo Bilado iyo Hadiyado kale.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay isu heyb yihiin Madaxweynaha cusub, ayaa wuxuu si wanaagsan uu ugu wareejiyay Jagada Madaxweynenimo, ka gadaal markii laga guuleystay.
|
|


Print
