By: Mastar //  Sep 13 2012 at 6:51 pm //  1,358 Reads  // Wararka Somalia

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Shariif Xasan kala wareegay Xafiiskii uu ka hawl-geli jiray

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, oo bishii hore loo-soo doortay Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta la-wareegay Xafiiskii uu ka hawl-geli jiray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu si rasmi ah uu qalabkii iyo Xafiiskii uu ku hawl-geli jiray uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu soo dhaweynaayo tallaabada uu qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla-markaana wuxuu sheegay in si la-yaqaano uu u wareejiyay.

Prof. Jawaari ayaa wuxuu sheegay in la-qaban doono Munaasabad ballaaran, taasoo uu markaasi uu kula wareegi doono dhamaanba agabyadii uu ku shaqeyn jiray Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada Shariif oo dhexdoodu uun isku dhigay taako ayaa waxaa la-filaayaa inay dalka ka wada taggaan, hase yeeshee lama yaqaano goobta ay taggi doonaan iyo inay isla sii shaqeyn doonaan iyo in kale.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook