By: Mastar //  Sep 13 2012 at 1:53 pm //  5,789 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Magaalada Marka iyo Dowladda Somaliya oo ka hadashay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay dhacdo layaab leh oo xalay ka dhacday Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna sheegtay inay ka bixin doonto jawaab deg deg ah.

Seddex ka mid ah Ciidamadda Qaranka Soomaaliya ayaa waxay xalay taggeen guri ku yaalla Bartamaha Magaalada Marka, iyagoona gurigaasi kula kulmay dhawr dumar ah oo markaasi ku sugnaa.

Ciidamadda Dowladda ayaa waxay dumarkii ay ku qabteen qoryaha, waxayna ku amreyn inay gees iskugu baxaan, wixii markaasi ka dambeysay ayaa waxaa la-sheegay inay mid mid u kufsadeen.

Ciidamadda Dowladda ayaa markaasi kadib iskaga soo tegay gurigii ay kufsiga ka geysteen, isla-markaana waxay soo aadeen dhinaca Saldhigga Magaalada Marka, oo ay markii horeba ay ka baxeyn.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Cabi Macalin Cukaash, oo maanta la-hadlay Saxaafadda, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay arintaan tahay mid dhab ah oo dhacday, isla-markaana ay ka xun yihiin sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in dhacdadaan ay tahay mid aad u qaab daran, lagana fileyn buu yiri Ciidamaddii Qaranka inay ku kacaan, hase ahaatee wuxuu sheegay in goor dhaw ay u qaadi doonaan dhinaca Magaalada Muqdisho, si Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ay xukuno ugu rido.

Goobaha ay Ciidamadda Dowladda kala wareegaan Xoogaga Shabaab ayaa waxay ka geysteen falal qaab daran sida, dil, dhaawac, dhac, boob, kufsi iyo handadaad joogto ah oo ay u geystaan shacabka rayidka ah.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments