By: Mastar //  Sep 13 2012 at 11:18 am //  1,225 Reads  // Wararka Somalia

Ahlu Sunna oo weeraro ku qaadeysa Magaalada Ceelbuur iyo Al Shabaab oo daafacyo adag ka sameystay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo dagaalo xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay duulaano xoogan ay ku qaadeyso Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Xilli daafacyada Al Shabaab ee duleedka Magaalada Kismaayo la-soo jilciyay, ayay Ahlu Sunna iyana dooneysaa inay Magaalada Kismaayo soo raaciso Magaalada Ceelbuur, si’ay markaasi gacanta Al Shabaab uga baxdo.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Mahad Khaliif, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ahlu Sunna ay diyaarisay weeraro ka dhan Magaalada Ceelbuur, kuwaa oo uu sheegay inay Al Shabaab markale uga saarayaan Magaalada Ceelbuur.

Wuxuu sheegay in Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca ay ka fir fircoon yihiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in meeshii ay galaan Ciidamadda Ahlu Sunna ay natiijo ka keenaan.

Laakiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay u gurguuranayaan sida Diidiin oo kale, balse wuxuu sheegay sheegay inay ka faa’iideysan doonaan qorshaha guud ee xilligaan lagula dagaalamaayo Al Shabaab.

Sheekh Mahad Khaliif ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in maal-maha soo socda ay gacanta Magaalada Ceelbuur ka bixi doonto Al Shabaab, xilli Al Shabaab ay daafacyo adag ka sameysatay Magaalada Ceelbuur.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments