By: Mastar //  Sep 13 2012 at 11:08 am //  1,572 Reads  // Wararka Somalia

Maxamed Dheere oo sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu u sabab yahay weerarkii shalay lagu soo qaaday Madaxweynaha

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in weerarkii shalay lagu dilli gaaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, uu sababteedu lee-yahay sida uu sheegay Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu marka hore uu ku tilmaamay qaraxaasi mid nasiib daro leh.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay mudan tahay in marka hore lees weydiiyo buu yiri sababtii ay ku dhacday qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Madaxweynaha cusub.

Wuxuu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dayacay ammaanka Magaalada Muqdisho, sidaasi daraadeedna waxaa loo-baahan yahay buu yiri in wax laga weydiiyo Maamulka Gobolka Banaadir, sidii uu qaraxaasi ku dhacay.

Sidoo kale wuxuu arin layaab leh uu ku sheegay in iyadoo ay jooggaan Ciidamadda Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, sida ay ku dhacday in rag walxaha qarxa xirnaa ay isku qarxiyaan aafafka hore ee Hotel Jazeera, oo uu degganaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), ayaa wuxuu Maamulka Gobolka Banaadir uu u soo jeediyay in uu soo kala cadeeyo sababtii leeskugu qarxiyay aafafka hore ee Hotelkii uu degganaa Madaxweynaha Soomaaliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments