Musiibada Maanta iyo Musuq maasuqii Leegada Maxaa ka Dhexeeya
Waxaa Qoray: Maxamed Cusman Cumar
Sannad walba Soomaalida waxay u dabaal-degtaa sannadguuradii Xisbiga Dhalinyara Soomaaliyeed – Leegada – bisha Maajo 15eeda. Waxaa la qaadaa:
“Soomaaliyey Toosoy, Toosoy Isku Tiirsada;
Hadba Kiina Taag Daran Taageera Weligiina”
Markaan heeseyno dhammaan inta xafladda ka soo qayb gashay waan istaagnaa, si loo xishmeeyo sharafta ay maalintaas u leedahay Qaranka Soomaaliyeed. Dadka qarkood maqaal ay ka maqleen saaxibadooda ama reerkooda ay ku ogaadeen jiritaanka xisbiga SYL. Badi Soomaalida ma taqaan taariikhda runta ah ee xisbigaas, samaan iyo xumaan, waxuu u geystay ama waxuu u galay danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Hase ahaatee, dhammaanteenna waxaa naga dhaadhacsan in SYL uu ahaa xoogga ka dambeeyay halgankii gobanimo-doonka. Taariikhda SYL runtii ma foga. Waa inta aniga iyo inta ila da’da ah jiraan, inkastoo dhammaan dadkii aasaasay ay maanta nala joogin dunida. Qofkii ugu dambeeyay ee noolaa, Cali Xasan Maslax (Cali Verduro), waxuu geeriyooday dhowaan. Dhammaan Ilahay ha u naxriisto, jannadana haka waraabiyo.
Ingiriiska markii uu ka guuleystay Fashistadii Taliyaaniga Dagaalkii II, asigoo markaas horey u haysatay gobolka Waqooye ee Soomaaliya, waxuu qabsaday gobolkii ku magac dheeraa Soomaalida Taliyaaniga.
Si aan ahayn lixdankii sano oo la soo dhaafay ee gumeysiga Taliyaaniga, Maamulkii Militeriga ee Ingiriiska waxuu albaabada u furay in la sameysto Naadi, hase yeeshee, aan ahayn axsaab siyaasi ah, dhulkii uu Taliyaaniga gumeysan jiray. Ugu horeyntii fursaddaas waxaa ka faaiideystay Reer Banaadir oo ururkii ugu horeeyay furtay, kuna magacaabeen HYC (Hamar Youth Club) ama Naadiga Dhalinyarada Xamar, bishii Abriile 15da 1943. Hal bil ka bacdi, Yaasiin Xaaji Cusmaan, asigoo ka shidaal qaadanaayo tilaabada Reer Banaadir, ayuu ku fikiray in uu furo Naadi cusub.
Sida uu ii sheegay Suxufiga Weyn kuna xeeldheer taarikhda Soomaaliyeed, Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay, “Yaasiin waxuu ra’yiggiisa kala hadlay siyaasiyiinta Reer Banaadir oo kala ahaa Cabdulqaadir Saqawuddin iyo Xaaji Maxamed Xuseen oo labadaba intay ayideen ra’yiga Yaasiin oo weliba kala qayb galeen aasaaska Naadiga cusub.
Dr. Boolaay waxuu warkiisa ku daray:”Dhalinyaradaas waxay ku kulmi jireen Maktabada Guuleed oo ku taalay sarta Cali Kaar oo aan ka fogeen Afar Irdoodka Xamar, halkaas ay wargeysyada adduunka ka aqrisan jireen. Yaasiin markii uu soo banbdhigay ra’yiggiisa waxa ku soo biiray toban qof kale. Saddex iyo tobanka dhalin yaro ayaa noqday aasaasayaasha naadiga cusub ee SYC (Somali Youth Club) ama Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed bishii Maajo 15da 1943.”
Afar sano ka bacdi, 1947, magaca Naadiga SYC waxaa lagu beddelay SYL (Somali Youth League). Hase yeeshee, beddelaada magaca si sahlan kuma imaanin.
Sida Malaaq Maxamed Cumarey, oo ka mid ahaa odeyaasha Reer Banaadir kuna jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga HYC iiga warramay sida SYC looga dhigay SYL mar aan kula kulmay Xamar sannadkii 1993, waxa uu ii sheegay :”In markii hore Maamulka Ingiriiska uu diiday dalabka SYC oo lagu dalbaday in magaca SYC lagu beddelo SYL sababtoo ah in calanka SYC midabkiisa ahay casaan ama gaduud kaas oo Maamulka Ingiriiska ku tilmaamay in uu yahay calan Shuyuuci oo haddii aan la beddelin, in dalabka marna oggolaasho la siindoonin iyo xitaa Naadiga SYC albaabada loo xiraayo.”
Malaaq Maxamed Cumarey warkiisa waxuu sii raaciyay, “markaan maqalnay warkaas waxaan isugu yeernay shir degdeg ah ee Golaha Dhexe ee HYC, waxaanna la go’aamiyay in SYC laga badbaadiyo in albaabada loo xiro. HYC waxay soo jeedisay in calamada labada Naadi, kan HYC oo Bulug ahaa iyo SYC oo casaan ahaa la isku daro. Sidaas ayaa calanka SYC ku noqday casaan iyo bulug oo nus-nus ah. Sidaas ayaa Maamulaha Ingiriiska ku aqbalay dalabkii SYC in loo beddelo SYL sannadkii 1947.
Sida Dr. Boolaay iiga warramay taariikhda Leegada, Guddoomiyehii ugu horeeyay ee Naadiga SYC waxaa loo doortay Cabdulqaadir Saqawuddiin 1943 iyo Xaaji Maxamed Xuseen Kuxigeenka Guddoomiyaha. Labadaba waxay ahaayeen Reer Banaadir. Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Yaasiin Xaaji Cusman. Saqaawuddiin markuu geeriyooday 1947, waxaa guddoomiyaha SYC/SYL noqday Xaaji Maxamed Xussen oo mansabkaas oo mar kale, markii ugu dambeysay, loo doortay asigoo dalka ka maqan oo Qaahira jiro. Waxuu haayay guddoomiyenimada SYL ilaa 1957dii.
Aasaasayaasha xisbiga SYC/SYL oo 13ka ahaa, lix (6) ka mid ah waxay ahaayeen Reer Banaadir toddobana (7) Soomaalida kale. Sida uu ii sheegay Dr. Boolaay, xubnaha waxay kala ahaayen sida hoos ku qoran:
Reer Banaadir:
1. Cabdulqaadir Saqawudiin Shaikh Aweys; 2.Xaaji Maxamed Xusxeen Xaamuud; 3. Dheere Xaaji Dheere; 4. Maxamed Cusman Baarba; 5. Huudow Macallin iyo 6. Maxamed Cali Nuur.
Xubnaha ka socday Soomaalida kale waxay kala ahaayeen:
1. Yaasiin Xaaji Cusman Shermarke; 2. Maxamed Xersi Nuur Siidii; 3. Daahir Xaaji Cusman; 4. Maxamed Cabdulle Xersi; 5. Cali Xasan Maslax; 6. Cusman Gheedi Raaghe iyo 7. Maxamed Faarax Hiloowle.
Somali Youth League (SYL) ilaa markii la aasaasay 15kii Maajo 1943 mabaa’diida ay fulinaysay waxay ahaayeen:
b) In la diido in maamul Taliyaani dambe dalka ku soo noqdo;
t) In la doono madax-banaani iyo midnimo dhulalka Soomaalida oo dhan.
Saddex sano kaddib markii Leegada la aasaasay, Wasiirka Dibadda Ingiriiska, Ernest Bevin waxuu u soo bandhigay shirkii 6aad ee ay ku yeesheen magaladda London, bishii Abriile 28da 1946, Ra’iisul Wasaaradaha dalalkii dagaalkii II ku guuleystay, hindise ku saabsan dulalkii Afrika ee Taliyaaniga gumeysan jiray sida loo kala qaybsan lahaa:
a) Tripolitania in laga dhigo Wasaayad oo Taliyaani Maamule ka noqdo.
b) Cyrenaica in laga dhigo Wasaayad oo Boqortooyada Ingiriiska Maamule ka noqdo;
c) Dhulkii Soomaalida ee Taliyaniga, Dhulkii Soomaalida ee Ingiriiska, Ogadeen iyo Reserved Areas in Wasaayad laga dhigo oo Boqortooyada Ingiriiska Maamule ka noqdo;
d) Eritrea in la siiyo Ethiopia, marka laga reebo dhulalka hoose ee Waqooyi/Galbeed oo la raacin doono Sudaan. (Fadlan eeg the Minutes of the Meeting ctrl+click)
Markii ay ka hor yimaadeen hindisahiisii quwado kale, Bevin, mid kale oo uu wax ka beddelay, ayuu ka jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska bishii Juun 4, 1946, asigoo isla markiina daafacaayo hindisahiisii 28 Abriile 1946. Khudbaddii uu ka jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska, Bevin waxuu yiri:
“Ma rabno in nalooga mahad celiyo, hase yeeshee, waxaa yaab leh in hindiseheyna sida gar-darrada ah oo loo dhaleeceeyay. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii Bariga Afrika, markii aan ku guulaysaneynay, Ingiriis waa la soo weerari karay, kaligayna ayaan dagaalamaynay. Waxan rajeynaayaa in Wakiilada Shirka Paris ay il gaar ah siiyaan, Soomaaliweyn.” Bevin ma gaynin hindahiisa Shirka Paris. (Eeg Bevin khudbaddiisa oo dhan, sadarka ka bilawdo Now may I turn to Eritrea and Somaliland? ctrl+click
Markuu gumeystay Soomaaliya 66 sano ka bacdi, halkii uu cudurdaar iyo raalli-galin ka bixin lahay Rejiimka Fashistaha sida bani aadan nimada ka baxsan uu kula dhaqmay shacabka Soomaaliyeed, Wafdigii Taliyaaniga uga qayb galay Shirka Paris 1946, oo laga hadlaayay Heshiis Nabadeed oo Taliyaaniga lala gaaro iyo sidii loo kala qaybin lahay dhulalkii Afrika ee Taliyaaniga gumeysan jiray, raddul ficilkii uu ka bixiyay Wakiilka Taliyaaniga hindisahii uu Bevin soo bandhigay, lana xiriirtay mideynta dhulalka Soomaaliyeed waxuu ahaa:
“Somalia:
Dhulka Soomaalida oo Taliyaaniga haystay wax ay la wadaagaan ma jiraan dhulka Soomaalida oo Ingiriiska haysto.
b) Dhulka Soomaalida oo Ingiriiska haysta waxaa deggan dad reer guuraa oo xoolo dhaqato ah; Dhulka Soomaali Taliyaniga waxaa deggan dad beeraley ah.
t) Dhulka Soomaalida oo Ingiriiska haysta waxaa deggan qabaa’il oo Soomaali asli ah oo ku laban xogaa Carabta ka yimid Yaman. Dhulka Soomaali Taliyaaniga waxaa deggan qabaa’il assalkooda aad u kala geddisan yahay (Soomaali ku laban Baantu madow iwm).
j) Qabaa’ilka Soomaali Ingiriiska way ka geddisan yihiin qabaa’ilka Soomali Taliyaaniga xitaa dhanka afka lagu hadlo: Soomali Taliyaani, af Soomaaliga koonfur ka sokow waxaa kale lagu hadlaa af Baantuu sida Bravano, Baajuuni; iyo lahjado qoysas kale.
x) Arrinta xuquuqda daaqa ee qaar qabaa’ilka deggan xadka dhanka Soomaali Ingiriiska oo dhowaan warkooda lasoo qaaday, waa arrin ku saabsan xiriirka deris wanaagga ee xuduudyda, taasina horey ayaa loogu dhameeyay heshiisyadii dhexmaray Ingiriiska iyo Taliyaaniga.
Sidaan ayuu ahaa raddul ficilkii Wafdiga Taliyaaniga ee Shirkii Paris ee 1946 uu ka jeediyay hindisahii Bevin. Hindisahii Ingiriiska si aan muran ku jirin ayuu u taageeray mideynta dhulalka Soomaalida.
Hase yeeshee, Wafdiga Taliyaaniga uga qayb galaayay shirka Paris diidmada uu diiday hindisaha Ingiriiska oo ku saabsanaa mideynta dhulalka Soomaalida, waxuu si adag u inkiray xitaa in Soomaalida ay yihiin dad isku jinsi ah.
Haddii kala duwanaashaha midabka ama lahjadaha lagu hadlo ay noqon karaan sabab Soomaalida loogu diido midnimo iyo qaran nimo, sidoo kale Taliyaaniba ma noqdeen qaran, madaama ay ku hadlaan afaf kala geddisan iyo dad ahaanna kala geddisan yihiin. Kuwa deggan Koonfurta iyo kuwa deggan Waqooyiga Taliyaaniga wax weyn ayaa u dhexeeya.
Halganka shacabka Soomaaliyeed oo hogaanka u haayay xisbiga SYC/SYL – 1943 ilaa 1948 – waxuu ahaa xurnimo iyo mideynta dhulalka Soomaalida. SYL waxuu ahaa xisbi wadani dhab ah, oo daacad ah, una halgamaayay gaaritaanka himilada shacabka Soomaaliyeed. Waxuu si weyn ugu guuleystay in uu soo jiito taageerada shacbi-weynaha iyo in siyaasadiisa gaarsiiyo meel kasto ay Soomaalida joogto oo ay ku jiraan dhulalka gacmaha shisheeye ku jiraan sida Ogaadeen iyo NFD (Dhulka ay Kenya Haysato).
Banaan baxyo isdaba joog ah oo lagu taageeraayo mabaa’diida xisbiga ayaa ka dhacay min Xamar ilaa Xarar. Daweynaha waxay diidaayeen hindise ahaa in maamul Taliyaani dib dalka ugu soo noqdo.
Cabdullahi Ciise Maxamuud, asigoo ku sugan London oo ku sii jeeday New York, ee dalka Maraykanka, waxuu warqad u diray taariikhda 8dii Maarso 1949, asigoo ku hadlaayo magaca Xisbiga SYL, Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Jawaharlal Nehru, warqaddaas uu Cabdullaahi Ciise ku codsaday in Hindiya ku taageerto shacabka Soomaaliyeed dalabka ah:
b) In aan dib loogu soo celinin maamul Taliyaani ah dalka Soomaaliya, weji kasta ha lahaadee;
t) Midnimada dhammaan dhulalka Soomaalida.
Golaha Dhexe ee xisbiga SYL waxuu warqad mahad celin ah u diray Raa’iisul Wasaaraha Hindiya, Jawaharlal Nehru, taariikhda 9kii Juun 1949, iyadoo looga mahad celinaayo Hindiya taageerada ay siisay Soomaaliya, markii Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ka dooday arrimaha Soomaaliya. (Fadlan eeg waraaqaha xagga dambe ku lifaaqan)
Markii uu Guddiga Qaramada Midoobay ee Afarta Xooggag Waaween soo booqday Muqdishu sannadkii 1948, sida ku qoran warbixinta Q.M. Yearbook 1948/1949:
Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) iyo Naadiga Dhalinyarada Xamar (HYC) – Ergooyinkooda waxay cambaayreeyeen Heshiiskii Bevin-Sforza, waxayna warsadeen madax-banaani dhaqso ah. Waxay soo jeediyen in ay oggolaanaayaan Wasaayad Qaramada Midoobay oo muddo gaaban ah, hase yeeshee, waxay diideen nooc kasta oo maamul shisheeye ah gaar ahaan maamul Taliyaani. Bannaan baxyo ayaa la sameeyay kuwaas oo looga soo horjeedo hindise ku saabsan dib ugu soo noqoshada Soomaaliya ee Maamul Taliyaani ah, waxaa kale socday in qalanqal kale in ay dhici doonaan.”
Xaawo Taako waxaa lagu xasuustaa wadani nimo. Waxay ku geeriyootay bannaan baxi la dhigay markii Goddigga Qaramada Midoobay ee Afarta Quwado Waaween dalka soo booqday 11kii Jannaayo 1948. Baabuurta waxa ka bid-bidayay labada calan ee SYL iyo HYC, kuwaas oo muujinaayay gacansaarka ay lahaayeen labada xisbi.
KHIYAANADA QARAMADA MIDOOBAY
Inkastoo si weyn uu ugu olololeeyay xisbiga SYL in arrimaha dhulalka Soomaalida oo dhan laga hadlo, haddana nasiib darro Qaramada Midoobay waxay soo saartay go’aanka ah Resolution 289A (IV) taariikhda 21kii Nofember 1949, oo ka hadlaayi kali ah dhulkii Taliyaaniga gumeysan jiray iyo in Taliyaani ka noqdo Maamulaha Golaha Wasaayadda Qaramada Midoobay. Waa labadii arrin ay Soomaalida ka soo horjeeday.
Sida ku qoran warbixinta QM ee sanadaha 1948/1949, “Wakiilka dalka New Zealand ee [QM] shaki ayaa kaga jiray in si ku haboon loo tixgeliyay rabitaanka dadka dhulka deggan, waxuu soo jeediyay in aan fursadda la dhuminin in la gaarsiiyo midnimada kama dambeynta ah ee dhammaan Soomaalida iyagoo la hoos keenaayo hal maamul”.
Khiyaanada Qaramada Midoobay waxaa ka sii darnaa, inqilaabka ay ka sameeyeen Leegada gudaheeda, dad xubno ka ahaa xisbiga oo taageeray go’aankaas oo ka soo horjeeday danta guud ee ummadda iyo mabadii’da xisbiga SYL.
Inqilaabkaas waxuu Leegada u kala qaybiyay laba garab oo garabkii assalka ahaa oo diidanaa soo noqoshada laga af-dheereeyay oo garabkii safka ka baxayna Taliyaaniga hoos kala heshiiyay. Arrinta si kastaba ha u dhacdee, ama cid kastoba tilaabada hore ha qaadee, waxaa caddaatay in Taliyaaniga uu ku guuleystay in uu ka sameysto SYL gudahiisa koox ku garab taagan dib ugu soo noqoshaddiisa Soomaaliya.
Markii Taliyaaniga laga guuleystay dagaalkii II ee Dunida, waxaa Soomaaliya ka joogay dad Taliyaani oo tiradooda ahaa 20.000 qof oo wax kasto gacanta ku haayay – Beeraha, Warshadaha iyo Ganacsiga. Waxaa ka mid ahaa dad awood u leh in ay ka dhaadhiciyaan ama laaluushaan xisbiga SYL oo awooddooda dhaqaalaha ay Leegada dhinacii ay doonaan ugu jeesin karaan.
Shaki ma laha in Taliyaanigii Xamar joogay ay door ka ciyaareen af-gambiga lagu sameeyay madaxdii Leegada oo ka soo horjeeday soo noqoshada Taliyaaniga.
Isla markii ay Qaramada Midoobay soo saartay go’aankii 1949 Taliyaani dib loogu soo celiyay Soomaaliya, waxaa SYL laga bilaabay olole lagu soo dhoweynaayo go’aankaas taas oo ka soo horjeeday wax alaale waxii ay Leegada u soo halgamaysay ilaa markii la aasaasay iyo waxii ay u soo dhinteen Xaawo Taako iyo dadkii kale oo naftooda ku waayay bannan-baxii Dhagaxtuur 1948 iyo 1949.
BILAWGII MUSUQMAASUQA IYO DHAMMAADKII WADANINIMADA LEEGADA
Iyadoo la hirgelinaayo Qaraarkii 289A (IV) ee 21kii Nofember 1949, waxaa Soomaaliya lagu soo celiyay Maamul Taliyaani, inkasta oo markaan ‘shaarkii madoobaa’ “Camicia Nera” loogu soo beddelay shaarkii Qaramada Midoobay.
Isla markii uu dalka ku soo laabta 1950, Maamulka waxuu ku dhaqaaqay in uu soo dhoweysto garabkii xisbiga Leegada gudahiisa durbaanka ugu tumaayay si maskaxda dadweynaha uga dhaqaan mabaadii’dii lagu diidaayay dib u soo laabashada Taliyaaniga. Leegada waxuu ka fadli yeelay dhammaan axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Maamulka waxuu nidaamiyay in doorasho kasto ay SYL hesho codka ugu badan, si Leegada u noqoto xibigii awoodda ugu sareyso lahaa ee qabsan karto dawladda waqtiga Wasaayadda Maamulka Taliyaaniga ee AFIS iyo bacdiggiisa.
Doorashooyinka sida loo nidaamin jiray waxaa ka mid ahaa in meelaha ay dadka ku badan yihiin, sida Muqdishu oo kale, tirada kuraasta loo yareeyo oo kuwaasna SYL loogu shubo. Meel aan dadba joogin na tirada loo badiyo oo isla markaas laga dhigo meel ay Leegada kelligeed ka soo gashay doorashada.
Waxay ugu darneed markii tuulada Wanle Weyn, oo waraaqahii doorashada oo dhan noqdeen kuwo loo xariiqay xisbiga SYL oo kaliya oo xitaa hal warqad oo si khalad ah u qoran oo xisbi kale ah aan ku jirin. Reer Soomaaliland inta ay ka yaabeen musuqmaasuqa heerka uu garay ayay xitaa magacii gobolka Koonfur ee Somalia ay ku beddeleen “Wanle Weyn” iyo qofkii aan eheen reer Soomaalilqand ku dhihi jireen: “Reer Wanle Weyn miyaad tahay?” Micnaa “Reer Koonfur Miyaad tahay?”
Gobanimada ka hor ama bacdigiisaba, Leegada waxaa loo isticmaali jiray sida awooda oo qofkii aan xisbigaas ahayn oo haayo meel-shaqo muhim laga musaafirinjiray, si meeshiisa loogu dhiibo qof ay Leegada wadato.
Halkii loo baanhaa in xukunka AFIS uu ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo tartanka siyaasadeed si nabad ah looga qayb qaadan lahaa, waxa hirgalay in mucaaridka la dilo. Sannadka markuu ahaa 1952, oo Wasaayadda laba jirsatay, nin siyaasi weyn ahaa, Ustaad Cusman, ayaa middi lagu dilay xaafadda Xamar Weyn asigoo ku sii jeeda gurigiisa. Sida la sheegay Ustaad Cusman subaxii dambe ayuu ku socday New York ee dalka Maraykan, si uu ugu gudbiyo Qaramada Midoobay dhambaal ku cad mawqifka xisbigiisa HDM (Xisbiya Digil iyo Mirifle) kuna saabsan, sida wararka sheegaayeen, in madax-banaanida Soomaaliya soddon (30) sano dib loo dhigo.
Sannadka markuu ahaa 1957 waxaa asigana lagu dilay Muqdisho, guriggiisa hortiisa, Wakiilka dalka Masar oo xubin ka ahaa Guddiga Wasaayadda Qaramada Midoobay, Kamal Uddiin Saalax.
Ninkii dilay Kamal Uddiin Saalax waxaa lagu xukumay xabsi daa’im, hase yeeshee, asigana waxaa lagu dilay xabsiga gudahiisa isla habeenkii ay Soomaaliya gobanimada qaadanaysay ee 1da July 1960. Sababaha Kamaal Uddiin loo dilay iyo kii dilay loo dilay weli lama haayo.
CABASHADA SOOMAALILAND
Markii shacabka Ingiriiska gumeysan jiray ee Soomaaliland si lama filaan ah u go’aansaday 4tii May, 1960, in uu qaato xurnimadiisa kuna biiro gobolka Taliyaaniga gumeysan jiray, waxuu keddis ku noqday maamulkii Wasaayadda ee AFIS, madaama uu ku andacoon jiray in “dhulka Soomaalida ee Taliyaani haystay aan shaqo ku lahayn kan Ingiriiska haystay” taas oo u dhadhameysay in uu si dadban u diidaayay mideynta dhulalka Soomaalida. Hase yeeshee, waxaa ka hor yimid in Soomaaliland gobanimadeeda qaadatay 26kii June 1960, oo AFIS-na, hadduu rabay iyo hadduu rabinba, qasab ku noqotay in uu si rasmi ahaan u sameeyo xafladdii isku darka labada gobol oo ay kala haysteen Taliyaani iyo Ingiriis.
Marka, Taliyaanigii diidi jiray midnimada labada gobol iyo xubnahii Leegadii soo dhoweysay dib u soo laabashadiisa oo go’aansaday in kuraastii dawladda oo dhan keligood qaybsadaan, waxay la noqotay in, haddii ay joojin waayeen midnimada labada gobol, in si kale loo carqaladeeyo guusha midnimada.
Soomaalida waxay ku maahmaadaa, “Qofka tag lama yiraahdee, Wax uu ku tago ayaa la tusa”. Iska hor-imaadkii ugu horeeyay ee dhexmara labada gubol oo markaas midoobay, waxuu ku bilawday markii Soomaaliland ay aragtay waxa laga siiyay awood-wadagga uu ahaa wax aan u qalmin oo quursi ah, “Koonfurna” qaadatay labadii kuraas ugu sareeyay ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo iyagana la siiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro.
Way suurtowdaa in Leegada sidaas kula kacdo Soomaaliland mar haddii mabaadii’dii xisbiga ku doorsadeen kuraasta Maamulka. Leegada inta ay sii xoojin lahayd midnimada labada gobol, Koonfur iyo Waqooye, oo ahaa bilawgii midnimada dhulalkii Soomaalida oo gumeysiga haystay, waxay jecleysatay in reer Soomaaliland oo xurnimadooda saxan dahab ku keenay si ay ula midoobaan “walaalahooda” reer Koonfur, ay saxanka u saaraan neefka lafahiisa.
Isku darka ka hor, Soomaaliland waxay lahayd dawlad uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal oo markii la isku darsamay laga dhigay Wasiir. Taasi waxaa loo qaatay quursi iyo meel ka dhac.
Caradii ay ka qaadeen awood-qaybsashada, waxuu gaaray heer qaar ka mid ah ciidamada qaalabka sida oo u dhashay reer Soomaaliland in ay ka soo horjeestaan dawladda dhexe sannadkii 1962. Labaatan iyo shan, oo ay ka mid yihiin saraakiil sare, ayaa lagu dacweeyay in ay isku dayeen in ay af-gambiyaan dawladda. Xamar ayaa la keenay si loo maxkamadeeyo.
Sannadka markuu ahaa 1963, waxaan ka shaqeenaayay Wasaaradda Warfaafinta oo aan wariye ka ahaay wargayska afka Taliyaani ku soo bixi jiray “Il Corriere della Somalia”. Anigoo ka mid ahaa tobankii kali ah oo bartay farta gaaban “Shorthand” ama “Stenografia” waxaa Maxkamada Sare ka soo codsatay Wasaaradda in aan u qoro dooda Wakiilka Dawladda inta ay socotay dacwada saraakiisha Soomaaliland.
Madaama aan subax walba ugu geynaayay xafiiskiisa Wakiilka Dawladda, Dr. Santiapichi, nuqul makiinad ku daabacan, sheekada ay is dhaafsanaayeen asiga iyo dadka kale oo ka tirsanaa xafiiskiisa, si caadi ah ayay u maqli jiray. Maalin maalmahaas ka mid ah waxaan maqlay asigoo leh, ugu yaraan, “Shan ka mid ah eedeesaneyaasha waa in dil lagu xukumaa iyagoo loo haysto dembiga ah inay isku dayeen in ay af-gambiyaan dawladda”. Shanta uu sheegay waxuu ka waday saraakiisha sare oo sida uu ku andacoonaayay lagu soo eedeeyay in ay “af-gambiyaan” dawladda oo madax u ahaa Sarkaal marxuum Xasan Cabdulle Walanwal “Xasan Kayd”.
Hase yeeshee, ugu dambeystii, labaatan ka mid ahaa eedeeneyaasha waa la sii daayay, sababtoo ahayd in marna ay markhaatiyaasha magacooda soo qaadin. Shantii saraakiil sarena waa la sii daayay, markii lagu waayay wax dembi ah.
Taariikhda marka loo dib raaco, Soomaaliland, ama dhulkii Ingiriiska gumeysan jiray, door wax-ku-ool ah ayay ka qaadatay isku darka labadii gobol oo ah ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii Luulsay iyo 1960kii.
Markii ay Qaramada Midoobay go’aamisay bishii Desember 1959 in dhulka Soomaalida ee Taliyaaniga haystay gobanimadiisa la siinaayo 1da Luuliyo 1960, Golaha Sharci-dejinta Soomaaliland waxuu soo saaray 6dii Abriile 1960 ayada oo ay u wada dhanyihiin xubnahiisa go’aanka ah:
Lambarka 1ad – Sharci ku saabsan Mideynta Soomaaliland iyo Somalia – Khodobka 1ad:
Dawladda Soomaaliland iyo Dawladda Somalia ayaa mid noqday oo weligoodna mid ku ahaan doonaan dawlad cusub, madax-banaan, Diimoqradi ah, hal jamhuuriyad ah, laguna magacaabi doono JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA.”
Soomaaliland si hagar la’aan ah ayay uga soo baxday waajibkeeda ku aadanaa rabitaanka shacabkeeda. Eeda guul darrada waxaa leh xisbigii laga filaayay in uu daafaco midnimada labada dhul. Haddii xisbiga SYL uu ahaan lahaa urur midnimo, cadaalad iyo sinnaan u soo taagan, waxuu Soomaaliland u dhaqaalayn lahaa si xaq ah iyo, guud ahaanna, xaaladda Soomaaliya waxay ahaan lahayd mid sida ay tahay dhaanta. Nassiib-darro, Leegada ma noqon sidii loo malaynaayay. Halkii laga filaayay wanaag, waxaa ka batay dhibaatada ay u geysatay danta ummadda Soomaaliyeed, oo ay ugu horeeysay midnimada labadii gobol ee isticmaarka haysan jiray, oo loo baahnaa in wax kasta oo dan shaqsi ah loo huro si loo ilaaliyo. Way ku guul-dareysatay in ay hirgeliso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Hadda oo lixdan sano laga soo gudbay, Soomaalileynta qarkood marka la warsado sababta ay u rabaan inay goostaan, jawaabtooda waxay u badantahay cabasho la xiriirta awood-qaybsashada oo ay ku eedeeyaan Koonfur cadaalad darro.
Kuwa magaca Leegada sheeganaayay oo Maamulka Wasaayadda u nidaaminaayay si ay kuraasta ugu badan u helaan, haddey iimaan leeyihiin danta midnimada ayay ka hor mari lahaayeen tan gaarka ah, xitaa inay tusaan in ay diyaar u yihiin in ay u bandhigaan Soomaaliland in ay doortaan kursiga ay ku qalbi furan yihiin iyo Leegana qaadato waxii soo hara.
Ku dhowaad labaatan sano ayay SYL soo xukumeysan dalka – tobankii sano ee Dawladda Hoose (Intrernal Administration) 1950 ilaa 1960. Ka bacdina 1960 ilaa 1969 oo ay dalka dhulka hoostiisa la gashay oo waxii dibadaha ka soo galayna la degtay oo xitaa mushaharada shaqaalahana laga bixin waayay, ilaa loo bixiyo magaca ah “Qabrigii Deynta Dibadda”.
Dhanka nabad galyada, waa tii Madaxweynaha dalka, Dr. Cabdirashiid Cali Shermarke, Allah ha u naxriistee, maalin cad la dilay, 15kii Oktober 1969.
Iyadoo is leh halkii ka sii wada oo hawsha sideedi ha u socoto waxaa la isugu yimid xerada Leegada bisha Oktoober 20, 1969, oo ilaa habeen dhexe la isla dhexmaraayay gor-gortanka laaluushka sida suuqa xoolaha iyo ballanqaadka kale ay dawladda kaga dhaadhicinaysay xubnaha Leegada ee haddii waaga baryo laga sugaayay in ay codkooda siiyaan murashaxa SYL oo ku fadhiisan lahay kursigii uu ka geeriyooday marxuum Dr. Cabdirashiid.
Waxaa loo kala tagay Leegada oo ku faraxsan in Madaxweyne cusub oo SYL ah dalka qabsan doono; Xildhibaanadii oo codkooda ku helay 100.000 Shilling oo naftiisa weydiinaayo waxuu ku qaban lahay lacagtaas faraha badan oo shacabweynaha markaas jiray 95% aan weligood arag lacag intaas dhan iyo Murashaxii oo asigana koofiyadii Barava iyo isku joogii madoobaa amar ku bixiyay in loo stiraareeyo si marka waaga baryo isku taago.
Intaas oo lacag ah oo habeenkaas 20ka Oktoober 1969 oo leegada dhexdeeda wareegeysay waxaa suurtowda in ay ahaayeen waxii dadka laga xasdaayey oo haddii mushar ahaan shaqaalaha loo siin lahay lix bilood gaari lahay.
Shacabka degahiisa waxay u soo taagnaayeen oo ay suurtowdo xitaa in ay hurdo heli waayeen inta ay ku fikiraayaan yaa la dooran doonaa, iyo Xildhibaankii oo lacagta qaatay oo ka fikiraayo, maxaa dhici kara haddii uu magac khalad ah calaameeyo.
Waxaas oo dhan ka tag ayay arrinta noqotay. Arroornimadii saacadda markay ahayd 0300, inta aan salaadda loo kicin, ayaa Ciidamada Qalabka Sida, albabadii dismaha Baarlamaanka qufulo waaweeyn ku xiray iyo Madaxweynehii hore iyo Ra’iisul Wasaarahii hore iyo xubnahii dawladda guryahooda ka soo saaray oo meel aan la ogeen markaas la aaday.
Markii waaga baryay ayaa idaacadda Radio Mogadishu laga sheegay in awoodda dawladda ay la wareegeen Ciidamada Qalabka Sida laga bilaabo 21kii Oktoober 1969.
Waxaase nassiib darro ah SYL oo labaatan sano ku dhowaad maamulka dalka soo haysay (Waqtigii Wasaayadda iyo waqtigii dawlad nimada) in mansab oo musuqmaaqus iyo laaluush ahaan loo siiyay ay ku doorsatay mabaddii’dii Xisbiga SYL.
SYL xisbi sharaf leh ayuu ahaa, hase yeeshee, dadkii inqilaabka ku sameeyay waxii ka dambeeyay 21kii Nofember 1949, musuqmaasuqii ay faraha la galeen ayay ku gubteen 21kii Oktoober 1969.
Waxaa la yiri: “Khiyaanno Qofkiis Ma Liibaano, Asigay Ku Qalloocataa”.
Heestii “Soomaaliyey Toosoy, Toosoy Isku Tiirsda, Hadba Kiina Taag Darranee, Taageera Weligiina”, sideedi ha u socoto.
—————————————————-
Danjire Maxamed Cusman Cumar (Haulgab) dalal dhowr ah ayuu Safiir ka ahaa. Waxuu qoray buugaag ay ka mid yihiin “The Road to Zero – Somalia’s Self-Destruction” (oo u digma Hal Bacaad lagu Lisay) iyo “A Nation Driven to Despair – A Failure of Leadership in Africa” (oo u dhigma Qaran la Jah Wareeriyay)
Waxaa Qoray: Maxamed Cusman Cumar
Email: mohd.osman75@gmail.com
Fadlan lifaaqa hoos ku qoran fiiri:




|
|


Print
