Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo dhimasho iyo dhaawacba geystay oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
Laba qaraxyo ayaa waxay maanta ka dhaceen Waqooyi Bari Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaan ay geysteen khasaarooyin iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeed.
Niman ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay laba bambo ay ku soo weerareyn fariisimo ay Ciidamadda Dowladda ku lee-yihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan goobta loo-yaqaano Buurka Suuqa Xoolaha.
Qaraxyadaan ayaa wuxuu mid ka mid ah uu ku soo dhacay goobtii ay fariisimaha ku lahaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, waxaana Ciidamadda Dowladda ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan, iyadoo dhaawacyadu ay qaarkood halis yihiin.
Qaraxa labaad ayaa wuxuu ku soo dhacay meel ay niman kabaha ku tolaan, iyadoo 3 ka mid ah kaba tola-yaashii ay qaraxaasi ku dhinteen, waxaana meydadkooda goobtaasi ka qaadi Ciidamadda Dowladda.
Nimankii qaraxyadaan ka dambeeyay ayaa waxay iskaga baxsadeen goobihii ay ku soo weerareyn, kadib markii ay orod uga baxsadeen Buurka Suuqa Xoolaha, oo ay fariisimo ku lee-yihiin Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
|
|


Print
