By: Mastar //  Aug 27 2012 at 10:33 am //  2,107 Reads  // Fanka iyo Suugaanta, Wararka Somalia

Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Goox Qarboosh oo geeriyooday

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun waxay geeri lama filaan ah ay ku dhacday Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Maxamuud Goox Qarboosh, kaasoo u geeriyooday xanuun deg deg ah oo ku soo booday.

Fanaanka oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa xalay ku soo booday xanuun, iyadoo loogula cararay isbitaal ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi, halkaasoo uu markii dambe uu ugu geeriyooday.

Khadiijo Foodey Nuur oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, ayaa waxay Warbaahinta ay u xaqiijisay geerida ku timid Allaha u naxariistee Maxamuud Goox Qarboosh.
Allaha u naxariistee Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kalana ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed, wuxuuna sameeyay heeso baddan oo maanta lagu xasuusan karo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments