Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la-dhaariyay “Daawo Sawirada”
Waxaa galabta ilaa fiidnimadii caawa si rasmi ah loo-dhaariyay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ka gadaal markii maanta lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho.
Dhaarinta Xildhibaanadaan ayaa waxaa lagu qabtay Xaruunta Ciidamadda Amisom oo ku taalla Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaasoo ay maanta soo xaadireyn 221 Xildhibaano oo ka tirsan 275 Xildhibaano ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka cusub ee Somaliya.
Sidoo kale Xildhibaanada la-dhaariyay ayaa waxaa ka mid noqday Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan, Raa’isal Wasaare C/Wali Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar kaloo ka mid ah Golaha Wasiirada.
Dhaarta kadib ayaa waxay Xildhibaanada ay iska soo dhex saareyn shakhsiga ugu da’da weyn, kaasoo loo-aqoonsaday in uu yahay General Muuse Xasan Cabdulle oo 72 sano jir ah, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Dhaarinta.
Shan maalmood kadib ayaa waxaa lagu wadaa in la-soo doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay jiraan xubno ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool oo u sharaxan.
Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa iyana loo-badinayaa inay qabsoomi doonto 27-ka bishaan amaba 3-da bisha September ee sanadkaan, oo ay inaga xigto qiyaastii muddo dhan laba todobaad oo qura.








|
|


Print
