By: Mastar //  Aug 20 2012 at 6:04 pm //  1,503 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo goor dhaw kulmay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu galabta uu u fariistay kulankii ugu horeeyay, iyadoo kulankaan lagu soo dhaarinaayo in ka badan laba boqol oo Xildhibaano ah oo ku sugan hawlka lagu dhaarinaayo.

Dhaarta ayaa waxay ka dhaceysaa Taliska Ciidamadda Amisom ee Xalane oo ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin xubno u diyaarsan inay dhaariyaan.

Goobta lagu dhaarinaayo Xildhibaanadaan ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, Raa’isal Wasaare C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhaarta kadib ayaa waxay Xildhibaanada ay iska soo dhex dooran doonaan ruuxa ugu weyn, kaasoo kadib soo diyaarin doona olalaha lagu soo dooranaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somaliya loo-sameynaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la-filaayaa in uu hadal uu ka jeedin doono goobta lagu dhaarinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, wuxuuna kulankaan uu noqonaayaa midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments