By: Mastar //  Aug 20 2012 at 5:36 pm //  2,021 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose iyo Ciidamadda Kenya oo khasaaro loogu geystay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo qaraar ayaa waxay ka dhaceen Gobolka Jubbada Hoose, waxayna u dhaxeeyeen Ciidamadda Militariga ee Dowladda Kenya oo ay ka dhinac dagaalamayeen Ciidamadda Dowladda iyo Xoogaga Shabaab oo gaar ah.

Dagaaladaan oo kuwo xoogan ahaa ayaa waxay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay soo qaadeen dagaal-yahanada Xoogaga Shabaab, waxayna dagaaladaan xoogoodu ay ka dhaceen Deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xoogaga Shabaab oo xilliyadaan dagaalada sii laba jibaaray ayaa waxay la-wareegeen qeybo ka mid ah Deegaanka Hoosingow, hase ahaatee goobahaasi ayay dib uga baxeyn markii Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay bilaabeen inay iska caabin xoog leh ay la-soo baxaan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan khasaaro buuran loogu geystay Ciidamadda Dowladda Kenya, kuwaa oo iyagu lagu xanto inaysan si wanaagsan u garaneyn qaabta loo-dagaalamo, maadaama aysan weligood ka qeyb qaadan amaba gelinba wax dagaalo ah.

Al Shabaab ayaan culeys xoogan kala kulmin marka ay la-dagaalameyso Ciidamadda Dowladda Kenya, kuwaa oo ay dagaalo walba kaga gubto qaar ka mid ah gawaarida dagaalada ee Taw-ga loo-yaqaano.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments