WAR DEG DEG: Madaxweyne Shariif iyo Mahiga oo si rasmi ah iskugu dhacay
Waxaa goor dhaw oo maanta ah si rasmi ah iskugu dhacay Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga.
Isku dhaca labadaan Masuul ayaa ka dambeeyay kadib markii duhurnimadii maanta ay kulan gaar ah ay ku yeesheen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna doonayeen inay ka wada hadlaan khilaafaadka xilligaan ka dhashay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya loo-sameynaayo.
Xilli lagu heshiiyay in hogaamiye kooxeeyada lagu soo dari karo Baarlamaanka cusub, ayaa wuxuu Dr Augustine Mahiga uu sheegay in Beesha Caalamka ay diiday in lagu soo daro raggaasi Baarlamaanka cusub, ee Soomaaliya xilligaan loo-sameynaayo.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo taasi caro xoog leh ka muujiyay ayaa wuxuu sheegay, in hogaamiye kooxeeyadii ay horey dalka uga soo noqdeen Wasiiro iyo Xildhibaano, isagoona weydiiyay sababta xilligaan loogu diidaayo inay noqdaan Xildhibaano, xilli aysan weliba Maxkamad ku helin wax dambiyo ah.
Madaxweyne Shariif oo si kulul ugu carooday Dr Mahiga ayaa wuxuu ka soo tagay Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna uu aaday hoygiisa oo ku dhex yaalla Qasriga Madaxtooyada Somaliya, oo loo-yaqaano Villa Somalia.
Si kastaba ha-ahaatee weli waxaa khilaafaad xoogan uu ka dhex taagan yahay hanaanka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo-sameynaayo, taasina waxaa laga cabsi qabaa inay dhiig ku daataan.
|
|


Print
