Sharuudihii laga doonaayay Xildhibaanada cusub oo gabi ahaanba meesha laga saaray “Sababtu Maxay Tahay”
Waxaa la-burburiyay oo meesha laga saaray sharuudihii laga doonaayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo-sameynaayo, kadib markii taasi ay ka dhalatay murun iyo isqab-qabsi xoog leh.
Khilaafaadka xilligaan ka dhex taagan Madaxweyne Shariif iyo Raa’isal Wasaare Gaas, ayaa waxay markii hore ay ka dhalatay sharuudaha lagu xiray Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, taasoo uu isna si gaar ah uu uga carooday Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu xasuustaa in laba todobaad kahor uu sheegay in Shahaadooyinka ay suuqa yaalaan, lacagana ay joogaan sida uu sheegay, isla-markaana sida uu sheegay Suuq laga soo iibsan karo.
Si loo-qaboojiyo xiisadaha iyo hardanka culus ee xilligaan ka dhex taagan Madaxda Dowladda, ayaa waxaa meesha laga saaray sharuudihii laga doonaayay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya loo-sameynaayo.
Hogaamiye kooxeeyada ayaa waxaa loo-ogolaaday inay ka soo dhex muuqdaan Baarlamaanka cusub ee Somaliya loo-sameynaayo, iyadoo dhinaca kalana ay tani si weyn u soo dhaweeyeen hogaamiye kooxeeyada.
Amuurtaan ayaa waxay meesha ka saareysa culeyskii iyo xayiraadihii lagu haayay hogaamiye kooxeeyadii Soomaaliya, oo ay ka itaalka roonaadeen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya, oo soo shaac baxay bishii labaad ee sanadkaan 2006-ka, iyagoona si rasmi ah Magaalada Muqdisho u qabsaday bishii Juun ee isla sanadkii 2006-dii lixdii.
|
|


Print
