By: Mastar //  Aug 20 2012 at 12:00 pm //  2,657 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo dhoolo-tus cusub soo bandhigay “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhoola-tus cusub oo aan looga baran ay ku soo bandhigeen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, oo ka mid ah goobaha ay ka jooggaan Deegaanada Gobolada Dhexe.

Ciidamadda Al Shabaab ee loo-yaqaano Fardooleyda ayaa waxay dhoola-tuskaan ay ku sameeyeen Magaalada Ceelbuur, kadib markii la-soo gaba-gabeeyay Salaaddii Ciida ahayd ee ay Shabaabku ku qabteen Magaalada Ceelbuur.

Seddex ka mid ah Ciidamadda Fardooleyda ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku tartameyn meel banaan oo barxad ah, iyadoo ay u soo daawasho taggeen boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka reer Ceelbuur.

Shacabka reer Ceelbuur ayaa waxay shalay u ahayd maalin weyn oo farxad badan, iyadoo reer Ceelbuur ay xilligaan u muuqdaan kuwo si weyn u taageersan Xarakada Al Shabaab, oo loo-aqoonsan yahay Urur argagaxiso inay tahay.





Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments