By: Mastar //  Aug 20 2012 at 11:28 am //  1,653 Reads  // Wararka Somalia

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku hanjabay inay dagaalada sii xoojin doonaan “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu markale uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab oo shalay boqolaal ruux kula hadlay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose Salaaddii Ciida kadib, ayaa wuxuu sheegay inay Waajib tahay in lala dagaalamo sida uu sheegay Gaalada iyo cadowga ku soo duulay buu yiri dalka.

Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab aysan ka laaban dagaalada ay kula jirto Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, isagoona in lala dagaalamo ku macneeyay mid Waajib ah.

Sheekh Xasan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada faraha looga gubanaayo ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu shacabka Somaliyeed oo dhan uu ugu baaqay inay dagaalada ka wada qeyb qaataan.

Si gaar ah ayuu shacabka reer Baraawe uu ugu baaqay inay ka soo dhex muuqdaan dagaalada dalka looga xureynaayo buu yiri Gaalada ku soo duushay, iyadoo uu ka dhawaajiyay in Gaalada aysan wax dan ah u heyn shacabka Somaliyeed.




Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments