By: Mastar //  Aug 20 2012 at 11:18 am //  815 Reads  // Wararka Somalia

Waqtiga Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u dhamaaday

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa maanta dhamaaday mudadii loogu talla-galay inay jirto Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo uu maanta uu si rasmi ah uu u dhamaaday waqtigii loogu talla-galay inay jirto Xukuumadda uu Raa’isal Wasaaraha ka yahay C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Qaramada Midoobe oo soo dhoodhoobtay Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay ugu talla-gashay in waqtiga Xukuumaddu uu dhamaado 20-ka bisha Agosto oo maanta si rasmi ah ugu beegan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Mr Banki Moon ayaa wuxuu shaaciyay in Xilliga Xukuumadda Somaliya uu ku egyahay 20-ka Agosto oo maanta ku aadan, isagoona sheegay in wixii xilligaasi ka dambeeya Soomaaliya loo-sameyn doono Xukuumad tani bedeleyso.

Inkastoo uu dhamaaday mudadii loogu talla-galay Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxaa hadana xilligaan jirin Xukuumad kale oo taasi bedeli laheyd, maadaama xilligii wax walba loogu talla-galay inay qabsoomaan, ay dib uga soo dhacday mudadii loogu talla-galay.

Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka dhaxeeya khilaafaad xoog leh, waxaana muuqaneysa inay si weyn u sii kala fogaanayaan Madaxweyne Shariif iyo Raa’isal Wasaare Gaas.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments