By: Mastar //  Aug 19 2012 at 5:44 am //  1,044 Reads  // Wararka Somalia

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Ciida iyo shacabka oo uu hambalyo ku aadan uu u diray

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu ka hadlay Munaasabada Ciidul Fitriga ay lee-dahay, isagoo dhinaca kalana shacabka Somaliyeed u diray hambalyo ku aadan.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidii ammaanka uu u ahaan lahaa mar walba leesku haleyn karo, isagoona u rajeeyay guul iyo gobonimo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa meel kasta ay jooggaan shacabka Somaliyeed u diray dhambaal ku aadan Ciida, iyadoo Ciidaan si rasmi ah halmar oo kaliya looga wada Ciidaayo Gobolada dalka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed meeley joogaanba Ciid Wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa inuu Alle nagu gaarsiiyo horumar iyo nabad intaan ka badan, waxaan rajeynayaa inaan si wanaagsan uga faa’ideysano munaabasabadan maadaama aynu gudanay waajibaadkii bisha soon,umadana waxaa laga rabaa iney Alle wadajir u baryaan, niyadoodanaisku furaan ayagoo wadajir ugu duceysanaya inuu dalku noo noqdo nabad”.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments