By: Mastar //  Aug 19 2012 at 12:58 am //  1,150 Reads  // Wararka Somalia

Ciid Wanaagsan akhristaal meel walba oo aad caalamka ka joogtaan iyo Gobolada Somaliya oo laga wada Ciidaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciid wanaagsan dhamaanba akhristaasheena sharafta badan meel walba oo aad caalamka ka kala joogtaan, waxaana Alle ka baryeynaayaa in Ciidaan Ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo, Dowlad Caadil ah iyo Ummada Soomaaliyeed oo midowda.

Maanta waa Maalin Axad ah oo si rasmi ah looga wada Ciidaayo dalalka Caalamka oo dhan, waxayna Muslimiinta ay ku Ciidayaan dal walba oo ay caalamka ka joogaan, welibana iyagoo ku Ciidaaya si nabad-galyo leh, taasina waa Mid Alle looga mahad-celiyo.

Waxaa xusid mudan in maanta si guud looga wada Ciidaayo 18-ka Gobol ee uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya, Ummada Soomaaliyeedna waxay si weyn ay iskugu soo wada diyaariyeen inay Ciidaan si weyn u Maamuusaan.

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya oo sanadkaan uu isbedel ku yimaaday, ayaa waxay shacabka ku dhaqan ay la-wada Ciidayaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, maadaama ay ka wada arrmiso Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Shabakadda Markacadey.net ayaa waxay akhristayaasheeda qiimaha badan ay lee-dahay nala dhageysta heestii Ciidda ee uu ku luqeynaayay Boqorka Codka waa Maxamed Suleymaan Tubeec.

Heesta Ciida by Fuad Cumar iyo Jooqle


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments