Karar aqoonsi ah oo maanta la-siinaayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kadib markii xalay ay Guddiga Farsamada ay soo gudbiyeen liis ka kooban 202 xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo-sameynaayo, ayaa waxaa maanta loo-qeybinaayaa kaarar aqoonsi ah.
Sababta kaarariga loogu qeybinaayo ayaa waxaa lagu sheegay in Isniinta soo socota ay yeelan doonaan kulan ballaaran, loona baahan yahay in shakhsi walba la-aqoonsado, sidaasi daraadeedna loogu sameynaayo kaarar lagu garto.
Malaaq Cali C/Raxmaan Shiine oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Soomaalida ee soo gudbiyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya loo-sameynaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maanta Xildhibaan lasiin doono kaarar aqoonsi ah.
Malaaq Shiine ayaa sheegay in dhamaanba Xildhibaanada cusub ay Isniinta soo socota ay kulan ballaaran ku yeelan doonaan Magaalada Muqdisho, waxayna iska soo dhex dooran doonaan buu yiri shakhsiga ugu weyn, kadibna waxay soo dooran doonaan buu yiri Gudoomiyaha Baaarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisa.
Si kastaba ha-ahaatee Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay ku guuleysteen inay keenaan Xildhibaanada cusub, walow ay u dhiman tahay Xildhibaano kale inay ku soo magacaabaan kahor inta aan la-gaarin Isniinta soo socota.
|
|


Print
