Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamadda Idaacada Shabelle “Sababtu Maxay Tahay”?
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay xabsiga dhigtay Sarkaalkii ugu sareeyay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho, kadib markii mid ka mid ah Ilaalada Idaacada Shabelle uu qof dumar ah ku dilay Magaalada Muqdisho.
Cumar Cali Farey oo ka mid ah Ilaalada Idaacada Shabelle ayaa wuxuu Jimcihii shalay uu Magaalada Muqdisho uu ku dilay qof dumar ah, halka qof kale oo dumar ahna uu ku dhaawacay, kadib markii goobtaasi dadka barakacayaasha ah loogu qeybinaayay lacago.
Cumar ayaa wuxuu dadkaasi uu ugu baaqay inay goobtaasi iskaga taggaan xilli lacag bixinta la-soo gaba-gabeeyay, hase yeeshee dadka ayaa waxaa la-sheegay inay wa-xoogaa muujiyeen dhago adeeg, taasina ay ka dambeysay in uu rasaas ku huwiyo.
Taliyaha Ciidamadda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Khalii Axmed Ereg, oo Saxaafadda la-hadlay ayaa wuxuu sheegay in uu ka baxsaday gacan ku dhiiglaha, balse wuxuu sheegay inay ku raad jooggaan.
Sidoo kale Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan xabsiga u taxaabeen Sarkaalkii ugu sareeyay Idaacada Shabelle, isagoo intaasi ku daray in uu xabsiga uu ku jiri doono inta laga keynaayo buu yiri gacan ku dhiiglaha.
Taliska Nabad Suggida ayaa waxay xilligaan ku raad-jooggaan gacan ku dhiigly Cumar Cali Farey, sida uu caawa sheegay Taliyaha Ciidamadda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir Khalii Axmed Ereg.
|
|


Print
