Saraakiisha Amisom oo baaq u jeediyay guud ahaan shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho
Saraakiisha Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay baaq u jeediyeen shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in kaalinta shacabka reer Muqdisho ay tahay mid muhiim ah
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Colnel Cali Aadan Xaamuud oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku sugayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in qorshaha lagu sugaayo ammaanka Magaalada Muqdisho uu qeyb ka yahay inay ka qeyb qaataan buu yiri shacabka reer Muqdisho, maadaama uu sheegay in shacabka ay kaalintoodu tahay mid muuqata.
Shacabka reer Muqdisho ayaa wuxuu ka codsaday in Ciidamadda Booliska ee Dowladda iyo Ciidamadda Booliska ee Amisom ay kala shaqeeyaan ammaanka Magaalada Muqdisho, oo uu sheegay inay xilligaan diirada saarayaan.
Shacabka reer Muqdisho ayaa waxaa la-wada ogsoon yahay inay xilligaan si weyn u taageersan yihiin Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, maadaama shacabka ay ka daaleen dagaaladii joogtada ahaa ee Caasimada ka soconaayay.
|
|


Print
