Qaraxyo laga cabsi qabo inay ruxaan Magaalada Kampala iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha oo fariin ka soo saartay
Dowladda Uganda ayaa wajaheysa dareen ka dhan ah qaraxyo gil gila Magaalada Kampala ee Xaruunta Wadanka Uganda, iyadoo sheegtay inay jiraan weeraro ay maleygeyso sida ay sheegtay Al Shabaab.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Uganda, ayaa waxay ku sheegtay inay jiraan weeraro ay qorsheyneyso Xarakada Al Shabaab inay ka geysato gudaha dalka Uganda, gaar ahaan Magaalada Kampala.
Bayaanka ayaa waxay ku sheegtay in Dowladda iyo shacabka reer Ugangaba looga baahan yahay inay dareen u lahaadaan weerarada ay maleygeyso sida ay sheegeen Al Shabaab, maadaama ay Al Shabaab horey qaraxyo uga geysatay Magaalada Kampala.
Wasaaradda ayaa waxay shacabka ku dhaqan dalkaasi Uganda ay ugu yeertay inay dareenkoodu sare u qaadaan, ayna la-socdaan Xarakada ay muujinayaan shisheeyaha ku sugan Magaalada Kampala.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Kampala ayaa waxay Dowladdu ugu baaqday inay ku soo wargeliyaan Ciidamadda Booliska, cid walbaa oo ay uga shakiyaan falal lid ku ah ammaanka, maadaama qaraxyo laga cabsi qabo.
Al Shabaab ayaa waxay marar badan ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysan doonto dalka Uganda, iyadoo taasina ku sheegtay inay ugu aar-gudeyso shacabka ay Magaalada Muqdisho ku leynayaan sida ay sheegtay Ciidamadda Dowladda Uganda ka socda, ee qeybta ka ah Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
|
|


Print
