Dadkeenu waa dhib kama baxe, dalkuna dayacbuu ku jiraa
Marka lays bar-bar dhigo dadka soomaaliyeed ee maanta joogo iyo kuwii lixdameeyadii ee xornimada keenay waxaa soo sawirmaysa in uu farqi wayn u dhexeeyo sababtuna waxay tahay wadaniyadii kujirtay dadkii xornimada dhaliyay iyo kuwa maanta sida ay uga maqantahay ayaa waxaa la dhihi karaa waa mida keentay dayaca maanta dalka uu kujiro iyo dadkeenu sida ay maanta u yihiin dhib kama baxayaal
Xeeldheerayaasha qaar ayaa waxay qabaan xaalada dadka iyo dalka ay ku sugan yihiin in ay tahay mid laga soo shaqaynayay sanado badan iyaga oo u sababeynayo saldhiga bur-burka inuuyimid markii ay Soomaalidu ogolaatay in hayb lookala sooco dalkana lookala xadeeyay ee reerba meel lagu ooday ogolaanshahaa ayaa waxaa uu fududeeyay in maamulkii uu gacantooda kabaxo korkoodana lagu Gor-Gortamo iyagoo aan waliba ka hadlikarin xaalad kasta ay arkaan
Dalka in horumarkiisa lagahadlo waxsoo saarna uu yeesho iyadu waa horay ahayd dadkii arinkaa looga fadhiyayna waxaa lagu mashquuliyay reerwalbaa in aanu reerka kale kasad badsan magac iyo mansab taana waxaa ay timid markii loo sameeyay magacyada afar beel iyo bar FOUR .FIVE
Xaaladaan cakiran ee shacabka masaakiinta ah iyo dalkaba ay ku suganyihiin ayaa waxaa ay tahay mid ay hogaanka u hayaan dadmucayin ah oo lawada yaqaano fagaara kasta ee looga hadlaayo qadiyada soomaaliyana waakuwo xaadir ku ah oo ka soo Muuqdo waxaana ay isugujiraan duqow,culumo, haween iyo siyaa siyiin iswada yaqaano waana ay ku yar yihiin inta ay ku danbayso damiir wadaniyadeed iyo mid dadnimo shacabkan dulmana aad ayay u garanayaan intan aan soo xusay oo qoloba meelbay ugu astaysantahay mana kahadli karaan nasiib daro Waayo maaha dad isku xiran hal codna ku hadlikaro
Dadkii isku xiri laha shacabkan aan awoodooda ujeedin xaaladaan qalifsana kahor imaan lahaa qaarna waaladilay qaarna dalka way ka qaxeen kuwana waxaa laga ilaaliyay in ay hadlaan taariikhduna been ma sheegto
Burburkii ka dib dhalintii soo hana qaaday waa kuwo aan aqoon buuxda u lahayn dal waxa uuyahay iyo dowladba waayo waxaa laga lumiyay manhajkii saxda ahaa ee ay soomaaliya lahayd dalka iyo dadkiisana ku salaysnaa waxaana labaatan sano lagu soo bar-baarinayay manhajyo kaladuwan oo laga soo min guuriyay wadamo shi-sheeye manhaj yadaasoo meelna aanay kaga ool dhaqanka iyo dhulka soomaaliyeed hadii ay raadsan lahaayeena waa horaa la baabi,iyay akadeemiyadii dhaqanka cilmiga iyo suugaanta iyo halkii ay ku kaydsanayd taariikhdii soomaalida madxafkii qaranka tixraacna ma hayaan
Intaa soo arimood waa mida maanta soomaaliya soo gaarsiisay xaalada uu dalka maanta ku suganyahay dadkuna ay la tacbaansanyihiin
Hadaba iswaydiintu waxaa ay tahy dhulkaan kala qaybsan bad iyo beriba shisheeyana loogu qidmeeyo sidii ay doonaana ka yeesho iyadoo aysan jirin cid ay uga baqayaan xaalada kala guurkaa iyo doorashooyinkaan loomadlanyahay oo ay kawada muuqdaan intii layaqiin ee aan soo xusay iyo inta yare e e diyaasbaradaa ee iyaguna rabo in ay siiviigooda ku soo bandhigaan iyagoo waliba og in aanay boosna ka helayn maxay ka badali kartaa xaaladan dadkeenii ka dhigtay dhib kama baxayaasha iyo dalka dayacan
Cumer Sheikh Axmed Shaam
|
|


Print
