Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su’aal Sheeg Magaca Abuu Sufyaan?
1-Jawab: Waxaa Weeye Sakhar Binu Xarbi.
2-Su’aal Sheeg Magaca Imaam Muslim?
2-Jawab: Waxaa Weeye Muslim Binul Xujaaj Binu Muslim Annay Saabuuriyi.
3-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabiyaddii Haani?
3-Jawab: Waxaa Weeye Faakhita Bintu Abii Daalib.
4-Su’aal Sheeg Imisa Salaadood ayay u dhigantaa Salaadda lagu tukado guriga Nebiga (NNKH).
4-Jawab: Waxay u dhigantaa Kun (1000) Salaadood wixii aan ka ahayn Masaajidka Xaramka.
5-Su’aal Sheeg Mu’alifkii Kitaabka Riyaadu Saalixiin?
5-Jawab: Waxaa Weeye Imaamu Nawawi.
6-Su’aal Sheeg salaaddii ugu horeysay uu Nebiga (NNKH) ku tukaday Kacbada?
6-Jawab: Waxaa Weeye Salaatul Casri.
7-Su’aal Sheeg Sanamyaddii ugu waaweynaa Xilligii Jaahiliyadda?
7-Jawab: Waxaa Weeye 3, Waxayna kala yihiin, 1-Cuzaa. 2- Manaata. 3- Laata.
8-Su’aal Sheeg sababtii ka danbeysay inuu dhaco dagaalkii kowaad ee Dunida?
8-Jawab: Sababtu waxay aheyd kadib markii la-dilay boqorkii reer Austria.
9-Su’aal Sheeg Magacii boqorkaasi?
9-Jawab: Waxaa Weeye Archiduke Faransis Ferdinando.
10-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-dilay Boqorkii Archiduke Faransis Ferdinando?
10-Jawab: Waxa la-dilay 28 June 1914.
11-Su’aal Sheeg Yaa-dilay Archiduke oo ahaa boqorkii reer Austria?
11-Jawab: Waxaa dilay Gaafiriyeelo Birinsib.
12-Su’aal Sheeg goorma ayay dadka reer Yurub ogaadeen micnaha Qaranimada?
12-Jawab: Waxay ogaadeen Sanadkii 1870-kii.
13-Su’aal Sheeg qarashkii ku baxay dagaalkii koowaad ee Dunida?
13-Jawab: Waxaa ku baxday adduun lacageed oo gaareyso 332.1 Bilyan (Billion).
|
|


Print
