By: Mastar //  Aug 17 2012 at 10:33 pm //  2,432 Reads  // Wararka Somalia

Askar badan oo hubkooda wata oo ka tirsan Dowladda Somaliya oo si rasmi ah ugu biiray Xarakada Al Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wax layaab leh maaha in ciidamo ka tirsan dhinacyada isku haaya Soomaaliya ay u kala goystaan, balse xilligaan ayaa waxaa dhinaca Al Shabaab u goystay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay duleedka Degmada Huur Hakaba ee Gobolka Baay ay ku soo bandhigtay ilaa 17 askari oo hubkooda wata, kuwaa oo ka soo goystay dhinaca Dowladda Kmg ah ee Somaliya.

Madaxa Gobolada Baay iyo Bakool ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Mahdi Maxamed Diiriye oo la-hadlay Idaacada Andulus, ayaa wuxuu ka hadlay ciidamada ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ee dhinacooda ku soo biiray.

Sheekh Mahdi Maxamed Diiriye ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamadaan ay xoogooda ka soo goysteen Magaalada Baydhabo, kadib markii uu sheegay inay dhibaatooyin kala kulmeyn Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa wuxuu sheegay inay mar walba iska soo hor marsiiyaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, taasina waxay keentay buu yiri in rasaasta ay Mujaahidiinta ridaan ay haleesho Ciidamadda Dowladda.

Sheekh Mahdi ayaa wuxuu sheegay in dhamaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay inay ku soo biiraan Al Shabaab, si buu yiri aan cadowga Itoobiya uga saarno Gobolada Baay iyo Bakool.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments