By: Riwaan Haji //  Aug 17 2012 at 3:12 pm //  5,380 Reads  // Wararka Caalamka

Sh. Muxyadiin Xasan Ayaanle oo ka Hadlay Cunista Waraabaha oo uu Ummul xalaaleeyay (Daawo Video)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Hoos ka daawo video Sh. Muxyadiin Xasan Ayaanle

Caalimka weyn ee Sh. Muxyadiin Xassan Ayaanle oo ku sugan wadanka Sweden ayaa ka jawaabay wareysi uu shalay idaacada VOA siiyay wadaadka wahaabiyada ee lagu magacaabo Sh. Ummul asgoo ka hadlay cunista waraabaha in ay xalaal tahay.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku qasbay cunista hilibka Waraabaha ee xaaraanta ah in ay cunaan isla markaasna lagu iibiyo suuqyada magaaladaasi, waxaana hada ay shacabka ka cabanayaan cadaadiskaas lagu hayo oo xataa xaaraantii lagu cunsiinayo.

Tan iyo markii ay arintaani soo shaac baxday ayaa waxaa idaacada VOA wareesi la yeelatay Shiikha Wahaabiyada ee lagu magacaabo Sh. Ummul asagoo yiri waa xalaal hilibka Waraabaha isla markaasna ku been abuurtay culumada shaaficiyada iyo xadiithkii Jaabir RC.

Culumo badan oo joogta aduunka dacaladiisa ayaa cunista hilibkaasi ka carootay isla markaana ka hadlay saxaafada caalamka ayagoo dhaleeceeyay umada soomaaliyeedna uga digay been abuuradka lagu been abuuranayo diinta islaamka waxaysan baneen in ay banaystaan, waana mid ay soomaalidu ka sugayeen mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee mar walba ummada baraarujisa.

Maantay ayaa isla idaacada VOA wareysi kala yeelatay arintaas cunista Waraabaha Caalimka weyn Sh. Muxyadayiin Xassan Ayaanle asagoo u bayaaniyay umada Soomaaliyeed in illahay wax uu xarimay aan la xalaaleen karin asagoo kor istaagay culumada shaaficiyada ee lagu been abuurtay.

Daawo Video.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments