Dhacdo fajac, amakaag iyo layaab leh oo Khamiistii shalay ka dhacday dalka Koonfur Afrika “Daawo Video”
Ciidamadda Booliska ee Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay in ka yar 3 daqiiqo ay dunida uga musaafuriyeen 18 ruux oo shaqaale ah oo u dhashay dalkaasi, iyadoo tanina lagu sheegay in dadkaasi ay boolisku kahor yimaadeen.
Dhacdadaan oo dhacday Khamiistii shalay ahayd ayaa waxay Boolisku Koonfur Afrika sheegeen, in dadka ay dileen ay ahaayeen kuwo hub watay, balse muuqaalkani ayaan ka muuqan qoryaha ay Ciidamadda Boolisku sitaan mooyee qoryo kale oo ay wateen shaqaalihii la-laayay.
Sidoo kale Booliska ayaa waxay sheegeen in dadkaan oo gadoodsanaa ay damceen inay ku soo yaaqaan goobihii ay Boolisku joogeen, iyana ay kahor tag ahaan u adeegsadeen rasaasta nool nool ee ka dhacda qoryaha daran dooriga u dhaca.
Falkaan oo ay siyaabooyin kala duwan oo xoog leh u hadal-hayaan dadka reer Koonfur Afrika, ayaa waxay ku sheegeen mid uu gebi-ahaantiisuba uu khaldan yahay, micnaheeduna uu yahay in la-laayay dad shacab ah.
|
|


Print
