Qalab cajiib ah oo meel walba geynaaya dadka indhaha la’ oo la-soo saaray “Daawo Video”
Dalka Japan ayaa wuxuu ku guuleystay in uu soo saaro qalab dadka indhaha la’ nolosha uga dhigaaya mid fudud, iyadoo qalabkaan uu dadka ka caawinaayo wax walba oo ay u baahan yihiin.
Qalabkaan ayaa taggi kara ama kori kara meel kasta, tusaale ahaan iyadoo ay dadka indhaha la’ ay ku kori karaan jaran jarooyinka, waxayna dadka u isticmaali karaan in si caadi ah ay ugu qabsadaan wax walba oo ay doonayaan.
Waxa cajiibka leh ee ay dadku ku tilmaameyn ayaa waxay noqotay, in iyadoo qalabkaan uu u soconaayo qiyaas ahaan sida ay u socdaan inta badan dadka, waxayna ka dhigan tahay in uu ku soconaayo miisaan cabir leh.
Qalabkaan oo loogu magac-daray Robot ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee NSK ee dalka Japan, waxayna kala kaashatay Jaamacad ku taalla dalkaasi, gaar ahaan waxay kala kaashatay Kuliyada Xiriiriska ee Korontada.
Iskusoo wada-duuboo qalabkaan oo la-soo saaray bishaan Agosto ayaa wuxuu durbaba uu soo jiitay indhaha caalamka, waxayna dadku xiiseynayaan inay qalabkaan u soo iibiyaan eheladooda ee bilaa indhaha ah.
Daawo Video
|
|


Print





