Mas u muuqaal eg xubinta taranka ee ragga oo laga helay dalka Brazil “Daawo Sawirada”
Inkastoo caalamka lagu arko wax yaabo dadka layaab ku dhaliya, dadka qaarkoodna ay ku macneeyaan wax mucjiso ah, ayaa waxaa xilligaan caalamka lagu arkay mas u muuqaal eg xubinta taranka ee ragga.
Maskaan oo lagu magacaabo Atretochona ayaa waxaa laga helay dacalka Wabiga Madeira Rondonia oo ku yaalla Gobolka Amazon ee dalka Brazil, iyadoo muuqaalkiisu ay wax layaab leh ay ku tilmaameyn Culimada Sayniska.
Inkastoo Culimada Sayniska ay wax layaab leh ku tilmaameyn muuqaalka maskaan, ayaa waxay sheegeen in uu soo jiray tan iyo sanadkii 1968-kii, balse ay caalamka si rasmi ah ugu arkeyn bishii November ee sanadkii 2011-kii.
Waxay sheegeen intii u dhaxeyso bisha November iyo bisha haataan lagu jiro oo ah Agosto 2012, ay garan waayeen meel ay macneeyaan maskaan, bacdamaa ay sheegeen inaysan horey caalamka ugu arag xayawaanka la-jinsi ah.
Astaamaha Culimada Sayniska ay kula yaabeen maskaan ayaa waxaa laga xusi karaa, in iyadoo uu ka neefsado xuubka sare ee jirkiisa, mana ka neefsado sanka ama afka sida caadiga ah oo ay xayawaanada uga neefsadan.





|
|


Print
