By: Mastar //  Aug 11 2012 at 10:21 pm //  1,609 Reads  // Wararka Somalia

Mo Faarax oo ku guuleystay tartanka ororada 5000 mitir ee Olympicada Adduunka

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Orodyahanka Soomaaliyeed balse heysta dhalashada boqortooyada Britain ayaa wuxuu caawa ku guuleystay tartanka ororada 5000 mitir ee Olympicada Adduunka, iyadoo todobaadkii horena uu ku guuleystay 10,000 mitir.

Mo Faarax ayaa wuxuu caawa uu wacdaro uu ka dhigay Magaalada London, waxayna bulshadu caalamku ahayd mid caawa indhahoodu uu ku sii jeeday, tartanka ororada 5000 mitir ee Olympicada Adduunka cida ku guuleysata.

Tartankaan oo caawa lagu qabtay Garoonka Olympic Stadium ayaa waxaa u soo daawasho tagtay ilaa sideetan kun oo ruux (80,000), waxayna dhamaantood ay wada xiiseynayaan inay ogaadaan cidii ku guuleysata tartankaan.

Tartankaan ayaa waxaa caawa ku jiray orodyahanada dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo iyagu caalamka u heysta orodada marka ay noqoto 10 kun iyo shanta kun, hase ahaatee tobanka kun iyo shanta kun ee sanadkaan, ayaa waxaa shafka u dhigtay orodyahanka caanka ah ee Mo Faarax.

Sharaf ayay u tahay Boqortooyada Britain inay laba jeer oo isku xigto loo-aqoonsado, dalka ku guuleystay tobanka kun iyo shantta mitir ee ododada adduunka, waxayna tani noqoneysaa mid looga mahad-celiyo Mr Mo Faarax.

Taariikhda ayaa waxaa la-xasuustaa in shan nin oo kaliya ay ku guuleysteen hal tartan oo kaliya, orodada tobanka kun ee mitir iyo shanta kun ee mitir. Ninkii ugu horeeyay oo ku guuleysta ayaa wuxuu u dhashay dalka Czechoslovakia, waxaana lagu magacaabaa Emil Zatopek, isagoona ku guuleystay sanadkii 1952-kii.

Ninka labaad ee ku guuleystay oo lagu magacaabo Vladimir Kuts ayaa wuxuu u dhashay dalweynihii leesku oran jiray Midowga Soofiyeeti, sanadkii 1956-kii ayuuna ku guuleystay.Ninka seddexaad ee ku guuleystay oo lagu magacaabo Lasse Viren ayaa u dhashay dalka Finland, waxaana lagu magacaabaa Lasse Viren, isagoona laba xilli oo isku xigta ku kala guuleystay sanadihii 1972-kii iyo 1976-kii.

Ninka afaraad ee ku guuleystay oo uu magaciisu yahay Miruts Yifter ayaa u dhashay dalka Itoobiya, wuxuuna ku guuleystay sanadkii 1980-kii.

Ninka shanad ee ku guuleystay ayaa isna u dhashay dalka Itoobiya, waxaana lagu Kenenisa Bekele, wuxuuna ku guuleystay sanadkii 2008-dii oo lagu qabtay dalka Shiinaha.

Daawo Sawiro


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments