By: Mastar //  Aug 11 2012 at 9:54 pm //  777 Reads  // Wararka Somalia

Daawo Sawirada: Xulka Qaranka Mexico oo ku guuleystay billada dahabka ee tartanka Olombikada kubbada cagta

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciyaaraha kubada Cagta Olombikada Aduunka ayaa Caawa lagu gaba gabeeyay Londan waxaan Guul Taariiqi ah gaaray xulka Maxico Waxaana ay ahayd wax loo filayay guushaan inay gaaraan Wiilasha Maxico maadama ay ka nasiib badan yihiin Brazil.

Kkk. Waxaa yaab lahayd Bilowgii Ciyaartaba iyadoo socoto hal daqiiqo ayaa Braziil isagoon hoodi hoodi soo dhahin waxaa ku bilaabay Goolka Ciyaaryahanka Peralta oo ka faa’idaystay fursad uu helay.

Qaybtii koowaad ee Ciyaarta ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka uhaysay Maxico inkastoo Brazil ay boo booday hadana waa ay bar barayn waysay Goolkaas.

Marka laysku soo noqday Ciyaarta Qaybtii labaad Braziil ayaa iskudayo badan samaysay lakiin uma suura gelin inay goolkaas bar barayso,Waxaana Braziil Dajiye ushiday Markale Ciyaaryahanka ugu fiicnaa Garoonka ee Peralta oo Goolka hore dhaliyay ayaa hadana Markale yiri waa ikan goolkii labaad dhaliyay kana dhigay Ciyaarta 2-0.

Maxico Waxii ka dambeeyay Goolkeeda labaad marka ay dhalisay ma doonaynin wax kabadan labo balse Brazil oo goolal lagu lahaa ayaa Waa dambe hurdadada kasoo toostay waxaana Goolka Calanka udhaliyay Hulk daqiiqadii 90 aad.

Xulka kubada Cagta ee Maxico ayaa Noqday Xulka ku guulaystay Tartanta kubada Cagta Dalalka Aduunnka ee Olombikada.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments