By: Mastar //  Aug 11 2012 at 8:01 pm //  1,718 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Duqeymo xoogan oo caawa lagu garaacay Magaalada Kismaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa caawa Magaalada Kismaayo lagu garaacay duqeymo xoog badan oo caawa gil gilay guud ahaan Magaalada Kismaayo, waxayna baqdin xoog badan ay ku beereyn shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Ilaa 6 gantaalo oo aad u xoogan oo ay soo tuureyn maraakiibta dagaalada ee ku sugan xeebaha Magaalada Kismaayo, ayaa waxay caawa ku soo dhacen Magaalada Kismaayo, iyadoo madaafiicdaan ay ruxeyn guud ahaan Magaalada Kismaayo.

Duqeymahaan ayaa waxay dhamaantood ay ku soo hoobteen dhinaca Galbeedka ee Magaalada Kismaayo, waxayna ka soo gudbeen Bartamaha Magaalada Kismaayo, waxayna dadku ay arkayeen holaca madaafiicda markii ay dulmarayeen Bartamaha Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inaysan jirin wax khasaaro ah oo duqeymahaan ka dhashay, waxaana khasaaraha yareeyay iyadoo madaafiicda ay ku soo dhaceen dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaayo, oo aysan inta badan dadku degin.

Duqeymahaan ayaa waxaa loo-maleynayaa inay geysteen maraakiibta dagaalada ee Dowladda Kenya ee ku sugan Xeebaha Magaalada Kismaayo, hase ahaatee wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments