By: Mastar //  Aug 11 2012 at 4:07 am //  1,649 Reads  // Wararka Somalia

Mahiga oo sheegay in dalka Soomaaliya uu galay xilli xasaasi ah iyo rabitaanka dadka Somaliyeed oo uu sheegay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu maanta maraayo meeshii ugu adkeyd ebid, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee General Maxamed Siyaad Barre.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, ayaa sheegay in lagu jiro bisha Agosto ee sanadka 2012-ka, isagoona ku sheegay inay tahay bisha ugu adag 22 sano kadib.

Wuxuu sheegay in bisha Agosto kadib ay Soomaaliya ka baxeyso Xilliga Ku Meel Gaarka ah, isla-markaana wuxuu sheegay inay Soomaaliya yeelaneyso amaba ay noqoneyso sida uu sheegay Dowlad buuxda.

Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in shacabka Somaliyeed ay doonayaan inay helaan Dowlad wanagasan oo tayo leh, isla-markaana waxay taasi ku imaan kartaa buu yiri in iyadoo la-soo xulo Xildhibaano aqoon leh, tayo leh iyo aragti fog ahba leh.

Wuxuu ku cel celiyay in la-soo xulo Xildhibaano tayo leh oo la-wareegi karaaya sida uu sheegay hogaanka dalka Soomaaliya, maadaama 22 sano kadib uu Soomaaliya yeelanaayo sida uu sheegay Dowlad awood leh.

Murun iyo isqab qabsi xoog leh ayaa waxay ka taagan tahay qaabka lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo loo-igamaday inay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka, hase ahaatee Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay ka cabanayaan fara-gelin ay ku hayaan Madaxda Dowladda.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments