By: Mastar //  Aug 11 2012 at 3:46 am //  2,019 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom oo qorsho aan looga baran ka bilaabay xaafadaha Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xilli ay soo dhaw-dahay 20-ka bisha Agosto oo ay ku beegan tahay Xilliga Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho laga cabsi qabaa inay ka dhacaan fal dambiyeedyo.

Waxaa jira dhinacyo badan oo hub sharci daro leh ku dhex heysta Magaalada Muqdisho, waxayna Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay dooneysaa sidii ay hubkaasi ula wareegi laheyd, amaba ay u Sharciyeen laheyd.

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho ay ka bilaabeen, qorshe ay gacanta ugu soo dhigayaan hubka Sharci darada leh ee lagu dhex heysto Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda ay gacanta ku dhigeyso hubka sharci darada leh.

Wasiirka ayaa wuxuu dadka hubka sharci darada leh ku dhex heysta Magaalada Muqdisho uu ugu baaqay, inay hubkoodu Sharciyeeyaan, haddii aysan Sharciyadeyn, ayaa wuxuu sheegay inay hubkaasi Dowladdu la-wareegi doonto, kuwa iska leh-na ay tallaabo adag ka qaadi doonto.

Si kastaba ha-ahaatee Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa sheegay inay hawl-galadaan sii socon doonaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments