Yuusuf Garaad oo maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho
Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, tan iyo markii maalmo kahor uu sheegay in uu ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho.
Yuusuf Garaad ayaa waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, waxaana ka muuqatay farxad iyo rayreyn xoog leh, isagoona u muuqday mid ku qanacsan in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.
Yuusuf Garaad ayaa waxaa inta badan maanta soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay Siyaasiyiinta reer Muqdisho, waxaana horkacaayay General Yuusuf Maxamed Siyaad, oo ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Indha Cadde.
Yuusuf Garaad oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, isagoo mahad-celin ballaarana u jeediyay xubnihii ku soo dhaweysay caasimadda.
Wallow Yuusuf Garaad uu ka gaabsanayao in uu Musharax Madaxweyne yahay, ayaa waxaa hadana si weyn loogu xamanayaa in uu doonaayo in uu ka soo dhex muuqdo Masraxa Musharaxiinta Madaxweyne.





|
|


Print
