By: Mastar //  Aug 10 2012 at 12:43 am //  3,280 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Laacibka Christiano Ronaldo oo lacago ugu yaboohay shacabka Somaliyeed

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Laacibka Portugal udhashay ee Cristiano Ronaldo oo kamid ah Ciyaaryahanada Dunida lagu qadariyo kubada Cagta ayaa Dhaqaale u Uruuriyay Caruurta Soomaalida ee kunool Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya kadib markii uu soo gaba gabeeyay Ololalihisa Dhaqaala Uruurinta.

Ronaldo oo ah Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Dalka Spain ayaa sheegay inuu ku guulaystay Barnaamijkaan oo uu dhaqaaalaha ugu uruurinayay Caruurta Daruufaha adag kunool ee Soomaaliya kasoo cararay .

Waxuu Sheegay in Bogiisa Facebooka uu kasameeyay Barnaamijkaan Dhaqaala Uruurinta Kadib Mudo labo todobaad oo uu howshaan hayay ayuu yiri Waxaan uruuriyay Dhaqaale gaarayo 30-Milyan oo doolarka Mareykanka ah oo aan usoo diray Caruurta Soomaalida.

Telefishinka afka carabiga ku hadla ee Al-Arabia ayaa baahiyay Muuqaal Video oo Ciyaaryahanka Portugal uu soo duubay ayaa waxaa uu sheegay in Barmaamijkaan lacagta uu ugu uruuriyay Caruurta Soomaaliyeed ay ku dhalatay markii uu aqbalay Codsi ay usoo direen hay’adda badbaadada caruurta Save The Children ee fadhigeedu yahay dalka Britain oo u sheegtay Isaga In Caruurta Africa dhibaato ay kahaysato Koriimada gaar ahaan Soomaalida qaxootiga ah kadib Ronaldo waxaa uu yiri waxaan soo xusuustay Miraha heestii fanaanka reer Jamaica ee Bob Marley oo ah Hide Tide or Low Tide taasi oo micnaheedu yahay Mowjad Culus iyo Mowjad Yarba dhinacaaga ayaan ahay heestaas oo laqaaday Barnaamij dhaqaale loogu uruurinayay Abaarihii ku dhuftay Geeska Africa.

C.Ronaldo ayaa Sheegay inuu jecelyahay Dadka Africa gaar ahaan Soomaaliya,waxaana Xidigan lacagtaan uu soo marsiiyay hay’adaha Q.M .
Waa marki Labaad oo CR7 oo dhaqaale udiro Dal Islaam ah horayna waxaa uu dhaqaale uu ugu diray Dalka Falastin Iminkana Soomaaliya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments