By: Mastar //  Aug 09 2012 at 3:38 am //  2,931 Reads  // Wararka Somalia

Al Shabaab oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xarakada Al Shabaab ayaa waxay si kulul ay uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu C/Raxmaan), oo wareysi siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu si kulul uu u sheegay inaan xoog Magaalada Muqdisho looga saarin.

Madaxweyne Shariif oo Isniintii sheegay in Magaalada Muqdisho awood looga saaray Al Shabaab, ayuu Sheekh Abuu C/Raxmaan uu arin waxba kama jiraan uu ku sheegay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif.

Sheekh Abuu C/Raxmaan ayaa xusay in Magaalada Muqdisho ay uga baxeyn xeelad military, isagoo sheegay inay horey u sheegeen inay uga baxeyn xeelad military, hadana ay ku celinayaan inay uga baxeyn sida uu sheegay xeelad militari.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay xilligaan faa’iidooyin xoog leh ay ku qabaan Magaalada Muqdisho, waayo buu yiri waxaan dilnaa saraakiil Dowladda ka tirsan, oo aan awal fursad u heli jirin buu yiri inaan ka saarno Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku nuux-nuux-saday inay dileen rag badan oo ka tirsan sida uu sheegay Masuuliyiinta Dowladda, isla-arkaana wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan madax jabiska uu sheegay inay haataan ka wadaan caasimadda.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu C/Raxmaan), wuxuu shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho uu ugu baaqay inay taageeraan Al Shababa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments


Facebook