Farmaajo oo maanta imaanaaya Magaalada Muqdisho iyo ammaanka oo si weyn loo-adkeynaayo
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo wajahan Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo), oo Magaalada Muqdisho ka maqnaa muddo ku dhaw hal sano iyo laba bilood.
Xilli Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ay soo dhaw-dahay ayaa waxaa Khamiista maanta ah Magaalada Muqdisho imaan doona Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo).
Waxaa lagu wadaa in maanta si weyn loogu soo dhaweeyo Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka reer Muqdisho ay u diyaarsan yihiin inay soo dhaweyn wanaagsan ay u sameeyaan Maxamed C/Laahi Farmaajo.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay u diyaar garoobeen inay Magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyaan Farmaajo, waxaadna mooddaa inay shacabka aad u jacel yihiin Masuulkaan.
Soo dhaweynta maanta Magaalada Muqdisho loogu sameynaayo Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona Masuuliyiinta Dowladda qaarkood.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta loo-adkeynayaan si weyn, iyadoo taasi lagala jeedo in la-adkeeyo ammaanka Magaalada Muqdisho, haddii ay dhacaan kooxo sameynaaya weeraro ka dhan ah Masuulkaan.
|
|


Print
