By: Mastar //  Aug 09 2012 at 3:12 am //  1,199 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda oo sheegtay in Ciidamadda Amisom ay ka hawl-galayaan Saldhigyada Magaalada Muqdisho “Daawo Sawirada”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in Ciidamadda Booliska ee Amisom ee Magaalada Muqdisho soo gaaray, ay ka hawl-galayaan Saldhigyada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General Shariif Sheekhuna Maye, oo la-kulmay Ciidamadda Booliska ee Amisom, ayaa wuxuu Saxaafadda uu u sheegay inay ka qeyb qaadanayaan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamadda Amisom ay yihiin ciidamo xoogan oo diyaarsan, iyadoo uu ku ammaanay inay u dhan yihiin qalabkooda military, una dhan yahay sida uu sheegay tababaradooda.

General Sheekhuna ayaa wuxuu rajo xoog leh uu ka muujiyay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu soo hagaagaayo, lagana hortaggi doono sida uu sheegay cid walba oo ka shaqeyneysa falal lid ku ah ammaanka.






Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments