Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su’aal Sheeg Markii uu Nabiga ka soo tagay reer Daa’if Bertii uu dhexgalay cidda iska laheyd?
1-Jawab: Waxaa iska lahaayeen Cutba ibnu abii Rabbiica iyo Sheyba ibnu Rabbiica.
2-Su’aal Sheeg magaca wiilkaa yaraa ee ay canabka ugu dhibeyn rasuulka?
2-Jawab: Waxa la-oran jiray Caddaas,
3-Su’aal Sheeg Ninkii magan gelyada siiyey Nabiga markuu ka soo laabtay Daa’if uuna galay Makka?
3-Jawab: Waxaa la-oran jiray Mudcim ibnu Cadiyyi.
4-Su’aal Sheeg Ninkii madaxda u ahaa qabiilkii la oran jiray reer banuu Damra ?
4-Jawab: Waxaa la-oran jiray Camar ibnu Makhshiye?
5-Su’aal Sheeg Ninkii dilay Khubeyb?
5-Jawab: Waxaa dilay Cuqba binu Xaarith.
6-Su’aal Sheeg saxaaabigii lagu Naaneesi Jiray kii isu xoreeyey dhimashada?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Mundir binu Camar.
7-Su’aal Sheeg Ninkii Dhaawacay Sacad binu Mucaad Dagaalkii Axzaab?
7-Jawab: Xibbaan binu Curqa.
8-Su’aal Sheeg Asxaabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
8-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
9-Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
9-Jawab: Wuxu ahaa Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
10-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) uu u sheegay inuu Alle Jecel-yahay?
10-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Bin Camar Rc.
11-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Masar (Egypt)?
11-Jawab: Waxa la-furtay 18 hijriyadda.
12-Su’aal Sheeg yaa-furtay Masar ?
12-Jawab: Waxa furtay Cumar Bin Caas Rc.
13-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Faaris?
13-Jawab: Waxa la-furtay 19 Hijriyadda.
14-Su’aal Sheeg meesha uu ku aasan yahay Nebi Ibraahim Cs?
14-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Qaliil waxayna ku taalaa dalka Falastiin.
15-Su’aal Sheeg goorma ayuu Ibnu batuuta Soomaaliya yimid?
15-Jawab: Wuxu yimid Qarnigigii 14-aad.
16-Su’aal Sheeg imisa magaalooyin ayuu soomaaliya ka booqday Ibnu Batuuta?
16-Jawab: Wuxu booqday Magaalooyinka kala ah 1-Moqdisho, 2-Saylac, 3-Berbera.
17-Su’aal Sheeg Booqashii Ibnu Batuuta ee Magaallada moqdisho Muxu ka qoray?
17-Jawab: Wuxu ka qoray in dadka deggan Moqdisho ay ahaayeen dad ilbax ah oo soo dhaweyn Wanaagsan, Kana ganacsan jiray Maqaarka xoolaha iyo dharka.
18-Su’aal Sheeg maxay aheyd faa’iidada ay u lahaayeen saddexda marin biyood
Gumeystayaasha reer Yurub?
18-Jawab: Maxa yelay waxay isku xiraan Qaaraddaha Asia, Africa iyo Yurub.
19-Su’aal Sheeg maxay aheyd sababtii ugu weyneyd ee uu gumeystaha ingiriisku u qabsaday
Goboladda waqooyi ee dalka Soomaaliya?
19-Jawab: Maxa yeelay wuxu doonaayey in uu ka ilaaliyo saldhig ciidan oo uu ku lahaa cadan ee Dalka Yemen.
|
|


Print
