By: Mastar //  Aug 09 2012 at 2:49 am //  813 Reads  // Wararka Somalia

Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo dib u furmay iyo Dowlado horumaray oo sameyn ku yeeshay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa manta Duleedka Magaalada Nairobi dib uga furmay Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ay garwadeenka ka ahayeen Urur Goboleedka Igaad iyo Beesha Calamka.
Gudiga Farsamada Maamul usmaeynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaa la siyay Maalmo fasax ah madaama ay qabteen howl culus oo inta badan socota habeynki iyo Maalintiba.

Fasax ka dib waxaa manta dib iskugu soo labtay Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubbaland oo ayagu ku howlan dhamaystirka waxwalba oo laga bahan yahay Maamul goboleed buuxa sida Dastuurka ,Calanka, Caasimada, goobta uu ka dhacayo Shirweynaha ay iskugu imanayaan Ergoyinka matalaya gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo qodobo kale oo badan.

Gudiga Farsamada ayaa waxaa lagu wada in ay kulankoodan manta uga doodan qabdhismeedka Dowlad Goboleedka Jubbaland State sida inta uu ka kobmaayo Barlamanka Jubbaland State Golaha Wasiirada Jubbaland State qaabka ay u dhacayso Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State inta madaxweyne ku xigeen ee lo samaynaayo Dowlada Goboleedka Jubbaland State inta sano oo uu xilka haynaayo Madaxweyne lo dorto ee Jubbaland State iyo qodobo badan oo kale.

Gudiga Farsamada ayaa waxaay horay iskula soo afgarteen qodobo badan waxana wali u dhimaan qodobo kale oo u bahan bislayn iyo in ay ka kulmaan Saxiixeyaasha Qariirada Nabada Jubbland.

Qodobada ila iyo hada la isla meel dhigay ayaa waxaa ugu weyn in Magaca Maamul Goboleedka Jubboyinka iyo Gedo lo bixiyo Jubbaland State of Somalia.

In Doorashada Madaxweynaha ay soo dortaan Ergoyinka ka kala imanaya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.
in Gogosha ay ka dhacayso Doraashada madaxweynaha Jubbaland State laga dhigo Gobolka Gedo qaas ahaan Magaalada Doolow sida aan ka so xigaanay ilo xog ogaal ah oo qayb ka ah Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

In Barlamanka Jubbaland laga dhigo 60 Xildhibaan kuwaas oo ka kala imanay deeganada ay ka koobantahay Jubbaland State inkasta oo qodobkaan barlamanka ay wali doodisa tagan tahay.

Dhamaan qodobadan la isla meel dhigay iyo kuwa aan wali la isku afgaraan waxaa lo gudbin doona Saxiixeyaasha Qoriirada Nabada Jubbaland si ay wax uga badalan waxna ugu daran ka dib na ay u saxiixan si qodobadaasi ay u dhaqan galaan.

Dhanka kala waxaa Magaaloyinka Nairobi iyo Muqdisho ka socda Kulamo masuliyiin katirsan Saxiixeyaasha Jubbaland ay kula yeelanayan dhaaman beelaha ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaana kulamadaasi diirada lagu saraya sidi beelaha somaliyeed ay si isku mid ah uga qayb qadan lahayeen Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana kulamadaasi wada Masuliyinta Ahlusunna iyo Raskambooni ugu jira Saxiixeyaasha Qariirada Nabada Jubbaland.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments