Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Ciidamadda Gaarka ah ee suggi doona ammaanka goobaha doorashada
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay ku kalsoon tahay in Ciidamadda Dowladda ay suggi karaan ammaanka goobaha ay doorashada Madaxweye ka dhaceyso, isla-markaana aan loo-baahneyn ciidamo shisheeye.
Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, oo maanta la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inay ku kalsoon yihiin Ciidamadda Dowladda.
Ciidamadda Dowladda ayaa wuxuu sheegay inay xilligaan ay gacanta ku hayaan ammaanka Magaalada Muqdisho oo idil, isla-markaana wuxuu sheegay inay muujiyeen dadaalo badan oo ay ku suggi karaan ammaanka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamadda Booliska iyo Ciidamadda Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya, inay iyaga oo kaliya ay suggi karayaan ammaanka goobaha lagu qabanaayo doorashada.
Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa wuxuu xusay in xilligaan la-wada ogsoon yahay heerka ballaaran ee ay gaarsiisan tahay buu yiri Ciidamadda Dowladda, isla-markaana wuxuu si weyn uu u sheegay inay suggi karaan ammaanka caasimadda oo dhan.
Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo doorasho Madaxtinimo lagu qabanaayo dalka Somaliya, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Militariga ee Soomaaliya, ee uu Madaxweynaha ka ahaa General Maxamed Siyaad Barre.
|
|


Print
