Yuusuf Garaad oo si cad u sheegay in ku biiray dhinaca Siyaasadda Soomaaliya “DAAWO”
Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu sheegay in uu u socdo dalka Soomaaliya, isagoona halkaasi sheegay in uu dadka Soomaaliyeed uu kala yeelan doono wada-tashi ku aadan, in uu isku soo sharaxo xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo in kale.
Yuusuf Garaad oo la-hadlay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, ayaa wuxuu ka sheekeeyay in uu xilligaan uu u wareegtay dhinaca Siyaasadda Soomaaliya, oo uu sheegay in uu doonaayo in uu ka qeyb qaato.
Madaxa Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Cumar Garaad ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu ka ruqeystay Shaqada Idaacada BBC-da, isagoona sheegay in uu ka qeyb qaadan doono dib u dhiska dalka.
Maal-mihii ugu dambeysay ayaa waxaa si weyn loo-hadal haayay in Yuusuf Garaad uu ka tegaayo shaqada Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, isagoona lagu xamanaayay in uu daneynaayo dhinaca Siyaadda.
Labadii bilood ee la-soo dhaafay ayaa waxaa si xoog leh isu soo taraaya ragga isu soo sharaxaaya xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo xubin walbana uu ku hadaaqaayo in uu wax ka qaban doono arrimaha murugsan ee dalka ka jira.
Daawo Video
|
|


Print
