By: Mastar //  Aug 08 2012 at 3:40 am //  1,429 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Goobaha caafimaadka iyo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Walaalayaal waxay warbixintaan kusaabsantahay arin aniga itaabatay oo murugo ay igalisa markasta.

Inkasta oo aan hada Dibada kaganoolahay Waxaan kudhashay, oo kusoo koray gobolada Puntland, waxaan ogahay, oo sitoos ah ula socdaa xaaladaha dalkeena kajira, iyo marxaladaha bur-bur ee dalku soo maray, iyo xaaladaha caafimaad daro ee dalka kajira. Laakiin waxaa jira dhibaatoonyin ay gaystaan dad sheegtay inay caafimaad barteen iyo kuwa kaganacsada dawooyinka. (pharmacist).

Abdi Qani Axmed barre (dhabar Dhacay) waxuu ahaa walaalkey iga yar waxuuna dhawaan kudhintay magaalada gaalkacyo. Xaalada dhimashadiisu waxay ayhayd mid naxdin iyo murugu leh, kasokow qadarta eebe, waxuu udhintay dayacaad iyo khalad aan caadi ahayn oo uu galay nin pharmacist ah, Arintaas waxay kudhici kartaa qofkasta oo bulshada somaliyeed ka mid ah, iyo khaasatan kuwa reer puntland. Waana tan keentay inaan dhacdadaan naxdinta leh idinla qaybsado.

Walaalkey waxaa kudhacay xanuun sanadkaan gudihiisa kujiray magaalada Gaalkacyo dad badana kudhacay. Abdiqani ma aanu aqoon xanuunka yahay waxa uu yahay, halkii uu ka aadi lahaa Hospital ama uga tagi lahaa Doctor si uu uhelo daawo xanuunka kajabisa waxuu aaday pharmacist kuyaala Gaalkacyo. Pharmacist waxuu siiyay walaalkey daawooyin-kaan isaga oo aan baarin (intravenous (IV) insulin infusion, and two injections of some sedatives) waa daawada lasiiyo dadka sonkarta qaba iyo cirbadu ah dajin ama hurdo. Hadaba Insulin-ta kaliya oo loo isticmaalo siqaldan ayaa waxay kentaa dhibaatooyin badan, sida gariir, wal-wal, Hurdo, wareer, iyo tamar daro. Hadaba markii insulin iyo Sedative ama cirbado hurdo lawada qaato waxay keentaa in shaqada maskaxdu yaraato, markaasna ay dhacdo in qofka naqasku kuxirmo ama neefsigu ku adkaado, hadii ay siqaldan ama qof aan xanuunka qabin lasiiyana dhimasho ayay keentaa, halkaasna qofkastaa waxuu ka arki karaa dayacaada iyo dhibaatada uu gaystay ninka pharmacist ahaa. Walalkay waxuu pharmacy-ga u yimid inuu caawimaad kahelo, ma uu qabin sonkor ( diabetic) umana baahnayn insulin, iyo Sedative midna, ma uu helin caawimaadii uu doonayay laakiin badalkeedii waxaa lasiiyay daawo qaldan, lagana yaabo inay dhacday. Taasna waxay keentay dhimashadiisa oo uu kutimid dayacaada ( negligent) ninka pharmacist ah.

Markii aan ogaaday xaalada aan caadiga ahayn ee walaalkey kudhintay waxaan iswaydiiyay su aalo badan, waxaan oghahay in Dawlada puntland ayqabatay wax yaabo badan oo wanaagsan , waxaan ogahay in dadbadan oo reer puntland ah ay maalinkasta udhintaa xabado, shilal gaari iyo dhibaatooyin kale oo badan, laakiin in dad udhintaa dayacaad iyo xadgubyo ay gaystaan dadka caafimaadka kashaqeeyaa waa dhibaato wayn oo loobaahanyahay inaan kawada fakarno hadaan nahay reer Puntland. In pharmacist sharci daro ah Adiga ama qoys-kaaga ka iibsho Daawo dhacday, ama aan sax ahayn iyada oon Doctor soo qorin, isaga oo aan aqoon dhibaatada ay dadka ukeenayso waa arin foolxun oo loobaahanyahay in dadka reer puntland iyo kuwa kale ee somaliyeedba is waydiiyaan. Iyada oo aan ognahay dhibaatooyinka dalka kajira hadana dhacdooyinkaas oo kale waa wax aan loobaahnayn inay dhacaan, waxna ay kaqabtaan dadka ay qusaysaa, sida wasaarada caafimaadka ee puntland.

Baritaan yar oo aan sameeyay waxaan ogaaday in kadib markii wasaarada caafimaadka Puntland latashiyo kaheshay Dhakhaatiir ay baarlamanaka hor dhigtay mooshin looga hortagayo xadgubka iyo sida khaldan ee pharmacist-yaashu daawada uga ganacsadaan iyo sidii loo joojin lahaa khatar ay keeni karaan, nasiib daro mooshinkii isaga oo aan xitaa loo codayn baa latuuray, saas daraadeed dawladu waxay gabtay masuuliyadii ay dadka hu haysay, shacabka ayayna markaan masuuliyad kasaarantahay sadii ay arintaan tilaabo uga qaadan lahaayeen. Mar hadii aanay jirin dawlad xuquuqdooda difaacaysaa inay dacadiyadaas oo kale kadhiidhiyaan waa waajib shacabka saaran

waxaan ahay Doctor caafimaad waxaana ii qorshaysan inaan dhawaan puntland imaado si aan tacadiyadaas pharmacist-yaashu gaystaan wax badan uga ogaado, waxaa arintaas igala qayb gali doona Dhakhaatiir kale si aanu isaga kaasho inaan baaris dheeraad ah kusamayno kaganacsiga sharci darda ah ee ay gaystaan dadka pharmacist-yaasha ah. Damiirku ima siinayo inaan iska daawado iyada oo shacabkii dhibaatadaas lagu hayo, dawladiina ay gabtay masuuliyadeedii.

Hadii aad tahay qof ay damqaso arintaan, iyo dhibaatooyinka iyo khatarta ay pharmacist-yaashu gaystaan, sida inay caruurta ka iibshaaan daawo, ama aqoonta aysan ulahayn daawada ay ibinayaan ,iyo xitaa inay iibshaan daawooyin aan sax ahayn ( counterfeit) ama dhacay(expired) Aan u istaagno sidii aan arintaas ujoojin lahayn. Aynu samayno olole looga soo horjeedo pharmacist-yaasha sida qaldan daawada uga ganacsanaya, aan kasoo horjeesano daawooyinka dhacay iyo kuwa qaldan oo dadkeena laga iibinayo, Aan diidno in qof aan daawada aqoon ulahayn aan daawo kagadano. Saas hadaan yeelno dad badan ayaan nafdooda kabad baadin karnaa khatarta dadkaasu nagu hayaan,

maanta walaalkey ay arintaasi ku dhacday bari waxay kudhci kartaa qofkasta oo qosy-kaaga ma mid ah ama adiga laftaada. Walaal codkaaga hala maqlo, dawladeenana aan ka dhigno mid masuul ka noqota dacadiyada noocaas oo kale ah.

Waxaa lajoogaa waqtigii aan dhibaatooyinkaas ka hortagi lahayn.

Dr. Abdi-Aziz Ahmed Barre (USA)


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments