By: Mastar //  Aug 07 2012 at 5:37 pm //  2,621 Reads  // Wararka Somalia

Yuusuf Garaad oo sheegay in uu ku biiray dhinaca Siyaasadda Soomaaliya, kana tegay Shaqada BBC-da

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Yuusuf Garaad Cumar ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu ku biiray dhinaca Siyaasadda ee Soomaaliya, isagoona sheegay in uu doonaayo in uu wax ka qabto dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxa Laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da Yuusuf Cumar Garaad ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu ka ruqeystay Shaqada Idaacada BBC-da, isagoona sheegay in uu ka qeyb qaadan doono dib u dhiska dalka.

Yuusuf Cumar Garaad ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in uu ku kalsoon yahay in uu wax badan uu ka qaban doono arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya ka taagan, wuxuuna shacabka Somaliyeed uu ka codsaday in la-taageero.

Bogga uu ku lee-dahay Shabakadda Internet-ka ee Twitter-ka ayaa wuxuu Yuusuf Garaad uu soo dhigay qoraal kooban, oo uu muujinaayo in uu isaga tegay shaqada BBC-da, isla-markaana sida uu sheegay uu ka qeyb qaadanaayo dib u dhiska dalka.

“20 sano ka dib, maanta waxaan ka ruqseystay BBCWorldService Madaxa Laanta Soomaaliga si aan uga qeyb qaato dib u dhiska Somalia” ayuu Yuusuf Garaad ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu doonaayo in uu ka soo dhex muuqday Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu jacel yahay in uu wax badan uu ka qabto arrimaha murugsan ee Somaliya ka taagan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments