By: Mastar //  Aug 07 2012 at 3:03 pm //  1,321 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Raa’isal Wasaare Gaas oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in uu yahay Musharax Madaxweyne, isagoo sheegay in uu doonaayo in uu ku guuleysto jegadaasi, si uu wax uga qabto arrimaha dalka.

Xaflad qurux badan oo xilligaan ka soconeysa Hotel City Plaza oo ku yaalla Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas, uu kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne.

Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in uu go’aansaday in uu xilkaas uu isku soo taago, isla-markaana wuxuu sheegay in uu wax badan uu ka qaban doono arrimaha dalka, haddii loo-soo doorto xilka Madaxweynenimo.

Dr Gaas ayaa sheegay in uu rajeynaayo in loo-soo dooran doono xilka uu xilligaan uu isku soo sharaxay, si buu yiri aan wax badan uga qabto arrimaha ka taagan dalka iyo sidii wadanka oo dhan looga sifeyn lahaa sida uu sheegay Al Shabaab.

Seddexda Masuul ee ugu sareysa hogaanka dalka ayaa waxay seddexduba ay sheegeen inay u taagan yihiin xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, isla-markaana ay xilligaan wada yihiin sida ay sheegeen niman Musharixiin ah.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments