By: Mastar //  Aug 06 2012 at 3:50 am //  2,547 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo lagu hoobtay oo ay Al Shabaab ugu magac-dartay Maalintii Beder oo gil gilay Magaalada Xudur

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoogaga Shabaab ayaa waxay dagaalo lagu jilbo murxay ay ku soo qaadeen Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool, oo ay ku wada sugan yihiin Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Xoogaga Shabaab ayaa waxay Magaalada Xudur ay ka soo kala weerareyn laba aagag, oo kala ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Xudur iyo Xerada WFP ee Magaalada Xudur, waxayna soo jiireyn daafacyada ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku lee-yihiin duleedka Magaalada Xudur.

Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen gudaha Magaalada Xudur oo leeskugu soo uruuriyay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna dagaaladaan ahaayeen kuwo culus oo ay ku soo talla-galeen Xoogaga Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa waxay dagaaladaan ay ugu magac-dareyn 17-ka Ramadaan, oo ku aadan maalintii uu dhacay dagaalkii weynaa ee Beder, oo si weyn loogu jabiyay dagaaladii Quresheyd, ee ka soo horjeeday Nabiga Muxamed Caleehi Salaatu Wasaam iyo Asxaabadiisii.

Wararka khasaaraha dagaaladaan laga helaayo ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan ay ku dhinteen tiro ka badan 35 askari oo dhinacyadii dagaalamay ah, isla-markaana Xoogaga Shabaab oo dib looga saaray Magaalada Xudur, ayaa waxay uga taggeen meydad badan.

Inta aan Al Shabaab laga saarin Magaalada Xudur ayaa waxay kala baxeyn qaar ka mid ah dadka Deegaanka, isla-markaana lama oga sababtii ay ugala soo baxeyn Magaalada Xudur, dadka ay wateen ayaa waxaa ku jiro niman odayaal ah.

Iskusoo wada-duuboo dagaalada ay Xoogaga Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Xudur ayaa waxay soconayeen toban saacadood oo buura ah, iyagoona soo bilowday Axadii shalay, waxayna soconayeen ilaa xalay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments