By: Mastar //  Aug 06 2012 at 3:36 am //  2,975 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Baroordiiq Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Majaajaliiste Marshaale “Daawo”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa baroordiiq loogu sameeyay Allaha u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq, oo ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Marshaale, waxaana baroordiiqdaan loogu duceeyay Marshaale.

Baroordiiqdaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda CCD ayaa Axadii shalay lagu qabtay Xaruunta Hay’adda CCD ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adda CCD, fanaaniin, kooxo wariye-yaal ah iyo qeybaha kale ee bulshada.

Baroordiiqdaan ayaa waxaa loogu duceeyay in Rabi uu u naxariiste Cabdi Jeylaani Malaaq, oo ay laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd ay 31-kii bishii hore ku toogteen aafafka hore ee hoygiisa oo ku yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dhamaanba dadkii isugu yimid Xaruunta Hay’adda CCD ayaa waxay sare u taagnaayeen muddo dhawr daqiiqaadood ah, iyagoona Qur’aan u akhrinaayay Allaha u naxariistee Majaajaliistihii weynaa Marshaale, oo ay si barer ah u toogteen kuwo maxanayaal ah.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments