By: Mastar //  Aug 06 2012 at 1:33 am //  2,588 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Kumaa ku xiga Madaxweyne Shariif (Warbixin)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waddankii Soomaaliya wax uu yeeshay dastuur ku meel gaar ah, run ahaantiina waa wax loo baahnaa oo la’aantiis aysan dawladi jiri karin.

Waxaa la soo xuli doonaa xubno baarlamaan oo dhan 275, xubnahaas ayaa waxaa laga sugayaa inay soo doortaan madaxweynaha dalka Soomaaliya oo ah markaan dawlad rasmi ah.

Madaxwaynaha hadda xilka haya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waa madaxwayne dhalinyaro ah ayna ka muuqato astaan diimeed run ahaantiinaa leh dhaqan fiican, kana muuqda goobaha ay Islaamku isugu yimaadaa sida masaajidda iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaa salaadaha jameecada ah sida iidaha oo kale, qodbooyinkiisa inta badan waxaad ka dareentaa cabsidda Ilaahay iyo asaga oo soo qaata ayado Qur’aan ah iyo Axaadiista Nabiga (Scw), in badan ayuu dadka Soomaaliyeed u sheegay inuu dadka iyo dalkaba ku xukumi doono Diinta Islaamka, in badan ayuu saaxiibadiisii hore u yeeray oo umuujiyay dabac tiro badan walow ay isla garan waayeen, in badan ayuu xeeriyay inuu baajiyo dagaal iyo in la laayo dhalinyarada soomaaliyeed ee dadka iyo dalkuba u baahan yahay laakiin ma noqon, si kasta oo qalad u jiro qofkasta oo aadane ah waa qaldamaa, hadana waxaad ka dareemaysaa inuu yahay madaxweyne muslimiinta ku dhex jira.

Hadalkayga ugama jeedo madaxweyne shiikh shariif inaan wax ka sheego ee waxaan ula jeedaa dadka soomaaliyeed inaan wax dareensiiyo.
Ma ogtahay.

In wadamo badan oo islaam ah ay xukumaan madaxwaynayaal aan islaam ahayan, waa Kirishtaan kaniisadaha gala ama waa cilmaani aan wax diina lahayan.
Wadamo badan oo islaam ah ayaa waxaa xukuma kuwo islaam sheegta laakiin aan waligood lagu arag goob islaam joogo.

Wadamo badan oo islaam ah ayaa waxaa xukuma maxwaynayaal shiico ah oo aygu islamka suniga laaya.

Kumaa ku xiga Madaxwayne Shariif ?

Su’aashaan jawaabteedu waa mid aad u adag waqigaan maanta ah, laakiin waxaan hubaa in ay dadka soomaaliyeed ay yihiin dadkii soomaaliyeed ee dhibta, colaada, xabadda iyo qaxootinimada ka daalay ee aysan noqonayan dadkale oo cusub, sidoo kale baarlamaanku waa baarlamaankii soomaaliyeed ee ma noqon doono barlamaan meel kale laga keenay, sidoo kale dalku waa dalkii soomaaliyeed oo burburka ka daalay ee dal cusub helimayno, Dhariga wixii noogu jiray ayaa noogu jira si kasta oo aan dhardhaarta uga badalno, fiicnaan la haydaa haddii aan dhardhaarada u adkayno oo aan ayaga toos toosino intii aan kuwo cusub oo aan ciyaartaba la qabsan keeni lahayan, haddii tasi dhici waydo.

Waxaan filayaa inuun noqon doono midka ku xigaa madaxweyne Shariif mid ay raali ku noqdaan dhamaan inta aan kor ku soo sheegay ee aadka u daalan.

Dr C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Nairobi Kenya.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments